Somaliland: Wafti Madax-dhaqameed Ah Oo Ka Socday Beesha Garxajis Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Degmada Xariirad Ee Gobolka Salel Iyo Ujeedada Socdaalkooda

Date:

Wafti culus oo madax-dhaqameed ah isla markaana ka socday beesha Garxajis ayaa si wayn maanta loogu soo dhaweeyey deegaanka Xariirad oo ka tirsan gobolka Salel.

Waxaana madax-dhaqameedkan si wayn usoo dhaweeyey odayaasha,waxgaradka cuqaasha iyo salaadiinta deegaanka Xariirad

Ujeedada madax-dhaqameedkan ka socda Beesha Garxajis ayaa daaran sidii ay madax-dhaqameedka iyo odayaasha deegaanka xariirad ugala xaajoon lahaayeen ka wada hadalka xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhaxeeya Beelahan.

Waxaana sooryo iyo soo dhawayn balaadhan kadib ay madax-dhaqameedka beesha Ciise iyo madax-dhaqameedkan ka socday beesha Garxajis ay jilbaha isku dareen kulan saacado badan qaatay,kaas oo ka dhacday geedka Gerdaha ee magaalada Xariirad,waxaana ay labadan madax-dhaqameed ka wada hadleen xidhiidhka tolnimo iyo madax-dhaqameed ee ka dhaxeeya Beesha Ciise iyo beesha Garxajis.

Gabagabadiina kulankan ay jilbaha isku aasteen labadan madax-dhaqameed ayaa waxa labada dhinac isla qaateen sii xoojinta xidhiidhka gacaltooyo iyo madax-dhaqameednimo ee ka dhaxeeya beelahan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...