War Deg-deg Ah: In Ka Badan 50 Qof Oo Lagu Toogtay Dalka Mareykanka

Date:

Ugu yaraan 50 ruux ayaa ku dhintay 200 kalana dhaawac ayaa ka soo gaadhay toogasho ka dhacday bandhig faneed lagu qabanayay magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.

Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay barxadii uu bandhiggu ka socday oo ku taalla hoteelka Mandalay Bay

Nin hubeysnaa oo lagu magacaabay Stephen Paadock oo 64-sano jir ah ayaa la sheegay in rasaas uu ku furay meel ay ka socotay xaflad heeso.

Boqolaal dad ah ayaa goobtii ka firxaday waxaana la maqli karay wax u ekaa rasaas qori ka dhacaysa, sida laga maqli karo muuqaal baraha bulshada la soo galiyay.

Booliisku waxay sheegeen in qofkii laga shakisnaa “dhulka la dhigay” isla markaasna aysan rumaysnayn in ay jiraan dad kale oo laga shakisan yahay.

Waxaa jira war kale oo sheegaya in arrin kale ay ka dhacday goob kale oo isla Las Vegas ah.

Qof u hadlay isbitaal ayaa sheegay in xaaladdoodu ay liidato 14 ruux oo dhaawac ah.

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionLamaane ka gabanaya dhawaaqa rasaasta

 

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionDad ka firxanaya goobta ay rasaastu ka dhacday

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionBooliis hubaysan oo ku sugan bannaanka huteelka Mandalay Bay ayaa la sawiray

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...