China: Askariyad Ilma Yar Oo Afar Bilood Jiray Naas Nuujisay Kadib Markii Uu Gaajooday Xilli Hooyadii Maxkamad La Saarayey !

Dhacdo muujinaysa naxariis iyo damqashada uu qofka damiirka lahi u damqanayo ubadka yar yar ayaa waxay ka dhacday dalkaasi China kadib markii ay haweenay askiryad ahi ilma yar oo afar bilood jiray isla markaana hooyadii ay ku socotay maxkamadi inta ay soo qaaday naaskeeda ku duday oo ay nuujisay.

Askariyadan oo magceeda la yidhaahdo Lena Haw ayaa waxay tallaabadaasi ku dhaqaaqday kadib markii uu ilmahaasi yari ka dhex ooyay  goobtii lagu xukumayay hooyadii, intaasi kadib ayaa Lena waxay soo qaaday ilmihii yaraa waxaanay ka soo saartay hallkii maxkamadda, iyadoo dareentay in ilmahaasi yari waxa ka oohinayaa tahay gaajo waxa aanay naas nuujisay ilmihii yaraa.

Lena oo arriintaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Anigu waxaan ahay hooyo dhawaan ummushay kadib markii aan oohinta ilmahaasi yar u adkaysan waayay ee aan dareemay in uu gaajoonayo ayaan tallaabadaasi qaaday oo aan naaskayga ku duway”.

Dhacdadan ayaa waxay ka dhacday gobolka Shanshi waxaana shaacisay jarriidada Daily Telegraph oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay

Comments

comments