Somaliland: Suldaanka Guud Oo Shacabka Uga Jawaabay Sababta Uu Saddexda Xisbiba Uga Dhex Muuqdo?

Date:

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay sababta uu saddexda Xisbi-ba u wada taageeray, uguna qayb galo Munaasibadahooda, waxaanu tilmaamay in Xisbi waliba iyo Musharax walba uu damaciisa ku taageerayo, oo uu dhiirigelinayo.

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Komishanka ugu baaqay inay ALLE ka baqaan, oo xilkooda iyo waajibaadka saaran si fiican u gudutaan. Suldaanka oo uu Geeska Afrika weydiiyay su’aal ay shacabku isweydiiyaan oo ah saddexda xisbi ee KULMIYE, Waddani iyo UCID oo lagu dhex arkay, wuxuu yidhi  “Nin waliba damac buu leeyahay, Nin walba iyo Xisbi walba damaciisa Siyaasiga ah ayaan ku taageeraa, Nin yidhi waxaan doonayaa in aan Madaxweyne noqdo, ma odhan karo inta hebel la soo qabto hebel baa Madaxweyne noqonaya, nin waliba codbixin baa la siinayaa, oo dadka ayaa u codaynaya, ee in wixii natiijo ah ee ka soo baxo Doorashada in lagu qanco ayaan dadka ku guubaabinayaa”.

Suldaanka guud mar uu baaq u diraayey Saddexda Xisbi Qaran ayaa yidhi ““Saddexda Xisbi waxaan ugu baaqayaa in aanay umadda khal-khal gelin, si ay Doorashadu nabadgalyo inoogu dhacdo, Nin  waliba nasiibkiisa ayuu meesha ka qaadayaa, reernimana waxba laguma helo, ee nabadgalyada ha la ilaaliyo”.

Suldaanka guud mar uu talo u diraayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanka ILLAAHAY baa ka dambeeya, haddii ay umadda ka khal-khal galiyaan cod bixinta iyo Doorashada, waa inay Komishanku Doorashada u maamulan sida uu xaqu yahay, ee sharcigu ogol yahay, oo aanay isticmaalin wax sharciga ka baxsan”.

Dhinaca kale Suldaanka guud ee Somaliland, wuxuu tacsi u diray ehelkii, qarabadii, qoyskii,Golayasahii iyo umadda reer Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariiste Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, oo dalka Hindiya ku geeriyooday, waxaanu ALLE uga baryey inuu u naxariisto, oo jannadii ka waraabiyo, oo dhammana cidii uu ka baxay uu Samir iyo imaan ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...