Somaliland: Diyaarado Joog Hoose Ku Duulaya Oo Saacado Badan Dul Heehaabayey Deegaannada Degmada Lughaya Ee Gobolka Awdal

Date:

Saddex Diyaaradood oo lagu sheegay kuwa Qumaatiga u kaca, ayaa Habeen hore illaa Shalay Waaberigii dul-heebaabayey deegaannada hoos taga Degmada Lughaya Gobolka AWDAL.

Weriye ku sugan Degmada Lughaya ayaa sheegay in Diyaaradahan la arkay Abbaaro 11-kii habeenimo, halka mar kalena la arkay Salaaddii Subax ka dib, iyagoo joog hoose ku duulaya, taasina ay Argagax ka ridday Dadka Shacabka ah, maaddaama Bil ka hor Diyaarado Joog hoose ku duulayaa Rasaaseeyeen Dad ku sugnaa Gobolka Selel.

Weriyaha Telefiishanka Rayo uga soo warramaya Degmada Dila waxay sheegtay in loo sheegay in diyaaradahan oo ay ku jirto mid waaweyn oo ah kuwa Qumaatiga u kaca isla-markaana Ciidammada Xamuulka u qaaddaa ay fadhiistay deegaan ku dhow halka lagu Magacaabo Gargaara Bari.

Diyaaradahan oo Weriyuhu sheegay in loo malaynayo inuu ka soo kaceen Maraakiib uu xusay inay taagan yihiin Biyaha Badda, ayaan illaa hadda la ogeyn waxay ka baadhayaan Deegaannka Lughaya oo la sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee lagu arko iyagoo dul heeheebaya.

Maamulka Degmada iyo ka Gobolka AWDAL ayaan arrintan diyaaradahan oo soo noqnoqoshadooda Dad badan shaki ka muujiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...