Somaliland: Beesha Gabooye Oo Iclaamisay Maxkamad Ay La Galayso Xisbiga Waddani + Godobo Is Biirsaday Oo Cirro Laga Liis Gareeyey Iyo Takoorta Kursiga Hortii Xisbigu Kula Kacay

Bulshada ka soo jeeda beelaha la Hayb sooco ee Gabooye ayaa wali ka gadoodsan arin faquuq bulsho ah oo xisbiga Waddani kula kacay isla markaana uu kaga dhex saaray beelaha Somaliland ee ay deegaan wadaagta la yihiin iyaga oo gar waaqsaday arintii boodhka xafiiskooda lagu calaamadiyey ay ahayd Siyaasadda xisbiga Waddani kursiga hortii ku aasay Xaqii beeshani ku lahayd Somaliland.
Garyaqaan Cumar Goodaad oo ka mid ah aqoonyahanka beelaha Gabooye ayaa soo bandhigay tacadiyo is biirsaday oo murashaxa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu ka galay beelaha Gabooye isla markaana qosolkiisa siyaasadeed ku sheego in uu Wasiirka ugu horeeya ee uu magacaabi doonaa noqon doono Wasiir Gabooye ah balse wajigiisa dhabta ahi aanu raali ka ahayn wax noqoshada ama saami sinta beelaha Gabooye kuna kooban tahay qosolkiisu Ololaha iyo sidii uu cod uga heli lahaa bulshada la hayb sooco.
Garyaqaanku ugu horayn waxa uu sheegay in aan Siniin Miniin la arkin xisbi xafiiska uu goob ka furanayo ku xardha magaca beesha kuna calaamadiya cida ay yihiin lana garanayo hanaanka loo maro marka xisbi xafiis ka furanayo deegaan ama xaafad waxaana uu yidhi. “lama arag xisbi mucaarad ah ama muxaafad ah oo beel beel dadka iskugu kala qaada oo yidhaahda beel hebel xafiis ayaanu u furnay hadana boodhadh ku qora waa la garanayaa sida xafiis loo furo degmaa laga furaa xaafad ayaa laga furaa laguma qoro reer hebel ayey u gaar tahay iyo arimo noocaas ah xisbiga WADDANI waxa uu ku dhaqmayo iyo faquuqa uu reerka ku hayaana iminka ayey sii cadahay.”
Sidoo kale Garyaqaan Goodaad waxa uu sheegay in Maxkamad ay la tiigsan doonaan xisbiga Waddani hadii aanay arintaasi sida ugu dhakhsaha badan uga hadal waxaana uu yidhi. “Talaabadaa ay ku qoreen hadii aanay iminka ka soo jawaabin talaabo ayaanu la qaadi doonaa Maxkamad ayaanu la tiigsan doonaa beesha anaga ayaa metelna anagaana ka masuula wixii dantooda siyaasadeed ah.”
Ugu Danbayn Garyaqaanku waxa uu soo bandhigay godobo is biirsaday oo Murashaxa Waddani ciil kaanbi calooshooda ku beeray dhalinyarada Mustaqbalka doonaysa ee ka soo jeeda Beeshan oo doonayey xaqii deeq waxbarasho ee ay ku lahaayeen xarunta Baarlamaanka oo sanadkiiba Arday kala duwan u qaybiya deeqo waxbarasho oo ay gacanta ku hayeen waxaana uu yidhi. “Baarlamaanku waxa uu bixin jiray deeqo waxbarasho iminkaanu u tagnay murashaxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI waxaanu ku nidhi hadaan been ka sheegayo ILLAAHAY wuu iga sareeyaa waxaan ku nidhi Axmed Kayse ninkii la odhan jiray ayaa noo geeyey waxaanu ku nidhi waxaanu nahay Arday ka soo jeeda dadkaa dhaqaalana ma hayno Jaamacadeed Imtixaano ayaa na dhaafaya waanu waynay lacagtiiyee deeqda Waxbarashada Baarlamaanka nagu dar Gudoomiyuhu wuxu yidhi adeer meeshan waxba kuma hayee iska dhaqaaqa isaga oo aanu ognahay inta uu qoray ee uu Baarlamaanka ka diray sanad ayey dhacday inaanu hadhno oo wayno kiibaa maanta ku leh Wasiir ugu horeeya ayaan u magacaabaynaa balan qaad horleh ayaanu siinaynaa been ha u sheegin ayaan leeyahay umada.” Ayuu yidhi Garyaqaan Goodaad.

Comments

comments