Somaliland: Ayaan Darrana Burco Boob iyo Busaarad Ayaa Isugu Darsamay…!

Date:

Burco qurux badanaa marka dusha laga sawiro. Maxayse kugu taala dhulkii badhtanka magaalada aha ee loogu tallo galay “Burco shopping mall center” ee laga raray Ciidamadda Booliska inta boodhkaas oo waraabe u taag ah loo qotomiyay ayaa siday u daawanayeen dadka rer Burco waxa habeen madaw laga jeexay 54 qol oo yar yar, midkiiba 60,000$ ayay siisay Wasaaradda Hawlaha Guud habeen qudha ayay jeebka ku shubatay 3,240,000$. Waa saddex million laba boqol iyo afartan kun oo dollar ..

Subaxanallaah.. Lacagtaasi jeeb qof ayay ku dhacday, cid xalaalaysay ma jirto oo waa hantidii Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka dhaxaysay, waa hanti rer Burco oo dhan ka dhaxaysay, Wallahay degaanada aan soo maray qaarba Iskuul iyo goobihii caafimaadka waxbaba aan lahayn hadana ay ku noolyihiin ummad dhan oo kumanaan ahi, waxa ku baxayaana amma iskuul loogu dhisi lahana aanay ka badnayn 20,000$, degaanada Togdheer ee miyiga xoolihi way ka dhammaadeen badi tuulo kasta intaas oo qoys oo caydhoobay ayaa degan oo aan dabka waxba saaran maalmo. Saddexda million ee dollar 40,000 oo ruux in kabadan ayaa shaqo abuur loogu samayn kari laha, amma 100,000. Oo qoys ayaa xoolayn loogu samayn laha ay caydha kaga baxaan halka Wasiir kaliya uu qaatay. Waligay Xil Ummadda uma qaban Alle hayga hayo xil la nooc ah kaas oo masakiinta lagu boobo illahay ayaan ka magan galay..

Kuwa iibsaday naar ayay iibsadeen, Wasaaradda Hawaha Guud iyo Wasiir keeda ka iibiyayna naar ayay qaateen, waayo waxaas ay jeebka gashadeen waxa laha oo wax ku leh dadka aan soo arkay, xitaa Madaxweynuhu wuxuu Dikreetada dhulkaas ku qoray in Qaranku leeyahay oo aan la mulkiyi karin, oo yaa Madaxweynaha u joojinaaya…?!

Waxa ka darran Shacbiga bakhtiyaaya oo maskaxda mayd ka noqday oo arkaaya misana daawanaya, qabyaalad ayaa laga yaaba inay hadana qaar ka bakhtiyaaya hantidoodi oo sidaa loo boobayo ay ku difaacaan amma ay kaga waabtaan inay rabitaankooda shabcbi ku hor istaagan.. Waanigii hore u sheegay Beesha dhexe waa cunsuriyiin bal illahayow may dawladiii Daahir Rayaale waxaas samayso Wallahay baroortooda ayaan laga fadhiyeen.

Burco waa wakhtigii ay ugu busaarada badnayd abid tariikhda ee aan waligay arko , waayo waan garanayaayo aniga ayaa ka soo aha xayraan Qalan-baawi ah, wakhtiga ay Togdheer iyo Burco ku jiraan xili ka liita maan arag, hadana Dhammaan dhulkeedi waa la cunay. Ilaa xeradhiigtii ilaa kan u danbeeyay .

Waad ogaydeen Line-Kii Booliiska Hargaysa tijaar caan ah ayay Wasaaaradda Hawlah Guud ka siisay 4-million oo dollar, laba Cali isma waydiin..

Mar haday sidaa tahay waxba ma hadhine inta hadhayna wixii hadhayba iibiya dheh kuli wada iibiya xitaa annaga na iibiya dalkoo dhan iibiya wax kasta iibiya .. .. Waayo dadkaaba kula socda dee haddii kale mar uunbay maalin uunbay ka dhiidhiyi la hayeen, nolol xumada, sicir-bararka iyo saxariirka haysta ee hadana boobka qaawan loogu daray..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...