Aqalka Cad: Dagaal Kuma Nihin K.Waqooyi

White House press secretary Sarah Huckabee Sanders speaks during the daily press briefing, Monday, Sept. 25, 2017, in Washington. (AP Photo/Evan Vucci)

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in aysan dagaal kula jirin xukumadda Pyongyang ee Kuuriyada Waqooyi.

War Isniintii kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Mareykanku uusan iclaaminin dagaal ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi.

Hadalkan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa jawaab u ahaa war uu meel u dhaw xarunta Qaramada Midoobay ee New York ka sheegay wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho, kaasoo ahaa in Mareykanka uu si cad u iclaamiyay dagaal uu la galayo Kuuriyada Waqooyi.

Wasiirka ayaa soo xigtay hadal uu barta Twitter-ka soo dhigay madaxweyne Trump kaasoo uu ku sheegay in aysan wax badan masii jiri doonto hadii Waqooyiga ay sii waddo hanjabaaddeeda.

Comments

comments