Somalia: Ra’iisal wasaare Kheyre oo si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee degmada Wadajir

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey qarax ismiidaamin ahaa oo lagu weeraray xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa tacsi loogu diray dadkii ku dhintay weerarkan, waxaa uu Alle uga baryay in dadkii ku dhintay in Jannadii Fardowso ka waraabiyo, isagoo inta dhaawacantay u rajeeyay inay ka bogsadaan dhaawaca.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen diyaar garowga ciida iyo maalmihii u danbeeyey ee Bisha barakeysan ee Ramadaan, sidaas awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso ujeedooyinka gurracan ee kooxda Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigay ra’iisal wasaaraha.

”Kooxda Al-Shabaab waa ay u soo jeesteen in ay shacabka isku qarxiyaan ee ma wadaan dan Soomaaliyeed, mana heystaan diin, waana in aan meel uga soo wadajeesano oo juhdi walba aan ku bixinaa. Waxey rabaan inay taariikhda ummada baaba’iyaan, waxey bartilmaameystaan maatada iyo carruurta, mana galaan wallaal”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada kooxdan ka tirsan inay ka faa’iideystaan fursada cafiska oo uu madaxweyne Farmaajo u fidiyey si ay dib u dhiska dalka uga qeybqaataan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...