Somaliland: “Madaxweyne Hawl Badan Ayaa Kuutaala, Si Aad Taariikh Wanaagsan Uga Tagto,Waa Inaad Ololaha Doorashada Ka Xakamaysaa Wasiirada Iyo Agaasimayaasha,Dawladani, Dawladii Muuse Maaha Ee Waa Taadii”

Bari Dhawayd Oo Aan Tagay Boorama,Way Ii Ashkatoodeen Reer Boorama, Waxay Yidhaahdeen Wasiirkii Hawlaha Guud Ayaa Gurigii Badhasaabka Iyo Kuwa Kale Iibinayee Naga Qabo”

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa shalay khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay Ardaydii jaamacada Hargeysa ka qalin jabisay,Waxa uu ka hadlay isagoo si toos ah dhegaha ugu riday Madaxweyne Siilaanyo oo markaasi fadhiyay arimo badan oo iskugu jira Musuq maasuqa Xadhkaha goostay ee ay Masuuliyiinta Xukuumaddu ku lug leeyihiin,Maayarada iyo wasiiradda Ololaha kujira iyo arimo kale oo aad uga qosliyay dadkii munaasibadaasi ku sugnaa.
Waxa uu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan isagoo ka sheekeeyay qiso layaableh oo uu kala kulmay reer Boorama,waxaana uu yidhi“Bari dhawayd oo aan tagay Boorama,ayay ii ashkatoodeen Reer Boorama,oo waxay yidhaahdeen wasiirkii hawlaha guud ayaa Gurigii Badhasaabka Iyo Kuwa kale iibinaysee naga qabo ayay igu yidhaahdeen,Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan ayaan u imid oo aan ku idhi “Waar Ma Dhulki Burco ayaa kugu filaan waayay,Maxaa Boorama ku geeyay,ayaan ku idhi,Dawladu waa inay fidiso Jaamacadaha oo ay u iibiso Guryaha ku soo dhaw,ee dhinaca kuhaya”.
Waxa kale oo uu yidhi “Nolosha Aas aaskeedii ayuu dadkeenii la baaxaa degayaa,maalin dhawayd waxaa ii yimid Askarigayga,wuxuu igu yidhi,Waxaan xaaskaygii geeyay dhakhtar,Waxa shaybaadhkii la iga qaaday 70-Dollars,wax ila qabo ayuu igu yidhi,Markuu Shaybaadhkii intaasi yahay Dawadiina maxay noqon,oo dhakhtarkiina muxuu noqon,Dadkeena Aas-aaskii nolosho way inaga maqan tahay,Biyihii waad aragteen,Laydhkii waad aragteen,350-Dollar ayaa laydhka la igu soo dalacay,bal ka miskiinka ah ee aan intaasi hayna ka warama,waa aasaaskii nolosha waxaasi,kuwaasi ayaa inaga maqan, marka Somaliland la inoo eego Soomaaliyadda Bugta meel fiican ayaan maraynaa,laakiin marka la eego 26-sanadood, Waxaynu qabsanay wax lagu faani karo maaha,Maanta waad ogtihiin oo Wadankeena Maamulkiisu ma wada gaadhsiisna,Waad ogtihiin oo wadankeena Lacagteenu dalka kama wada socoto,oo shalay waxa la isku haystay lacagta lagu soo daabaco Boosaaso ee balbalaadhan halagu cashuuro iyo ta Somaliland halagu cashuuro ayaa la isku haystay,waa nasiib daro walaalayaal”.
Sidoo Kale waxa uu yidhi“Madaxweynaha Waxaa u hadhay Bishan soo socota iyo Bisha kala guurka,waan u soo ducaynaynaa,waxaan jecelahay inay Nabadgalyo doorashadu inoo dhacdo,anagu haddii aanu doorashada ku guulaysano Tacliinta ayaanu 70% kharashka galinaynaa,Anaga ayaa jaamacadaha dalka la wareegayna oo qabyaalad dambe lagu maamuli maayo,Madaxweynaha waxaanu ka codsanaynaa inuu Ololaha ka joojiyo wasiiradda iyo Agaasimayaasha lacagtii Dawlada ku ololaynaya,anagu haddaanu aragno Maayarka Hargeysa,iyo Ka Berbera oo socda oo KUMIYE u raacaya Goboladda,Waxaanu u arkaynaa inuu sido Lacagtii Dawlada Hoose, Markaa Anaguna Cashuurta waanu joojinaynaa,Dhici mayso in Cashuurta Hargeysa nin loogu ololeeyo ana aan ka qatanaado,”.
Ugu dambayn isagoo si toos ah ula hadlaya Madaxweynaha,ayaa waxa uu kula dardaarmay sidan “Madaxweyne hawl badan ayaa kuutaala si aad taariikh wanaagsan aad uga tagto dalka,waa inaad xakamaysaa Dawladaada,Dawladani, Dawladii Muuse Maaha ee waa taadii,waa inaad xakamaysaa,anigu ma xanto dadka ee runta ayaan ka sheegaa”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

Comments

comments