Ergayda gaarka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan wadahadalka u dhexeeya dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Edna Aadan Ismaaciil, oo socdaal ku maraysa waddamo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa kulan la yeelatay mayaarka magaalada Oslo ee caasimadda Norway Marianne Borgen.
Kulankaasi ay Dr. Edna Aadan la yeelatay maayarka caasimadda Norway Mrs. Marianne Borger, waxaa ku wehelinaysay Faadumo Cali Madar, oo ah xildhibaan ka tirsan golaha degaanka Norway, isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland.
Dr. Edna Aadan, oo kulankaasi ka dib u warantay TV-ga qaranka Somaliland waxay sheegtay in kulankaasi ay maayarka Oslo iskula soo qaadeen arrimo ku saabsan xidhiidhka labadda dawladood ee Somaliland iyo Norway iyo ilaalinta danta dadka u dhashay Somaliland ee degan dalka Norway iyo arrimo kale.
Waxaanay kulankaasi ku tilmaantay in uu ahaa mid aad u qiimo badan, isla markaana ay maayarka Oslo u sharaxday taariikhda siyaasadeed ee dalka jamhuuriyadda Somaliland, nabadgeliyadiisa iyo juquraafi ahaan meesha uu ku yaallo iyo in uu yahay dalkii ugu horeeyay dhulka Soomaalida ee xornimadiisa ka qaatay gumaystihii Ingiriiska.
Dr. Edna, oo arrimahaasi fahfaahin ka bixinaysayna waxay tidhi “Kulan aad u qiimo badan ayuu ahaa shirkan aan la yeeshay gabadha maayarka ka ah caasimadda dalka Norway ee Oslo. Gabadhan maayarka Norway, (Mrs. Mariana Borger), waa qofkii labaad oo dumar ah ee maayar ka noqotay caasimadda Norway kunkii sanadood ee soo jiray.
Waxaanu ka wadahadalnay danta ummadaha degan dalka Norway, haddii ay yihiin dadka u dhashay Somaliland iyo kuwa kale ee Soomaalida ahba, caafimaadkoodda, horumarkoodda iyo sidii loo hirgelin lahaa wacyigelinta ku saabsan la dagaalanka caadooyinka xun xun ee dhibaatadda u gaysta jidhkoodda, caafimaadkoodda iyo mustaqbalka ubadka ay dhali doonaan.”
“Waxa kaloo aanu ka wadahadalnay, oo aan uga xog waramay wadankayga Somaliland, wuxuu yahay, halka uu ku yaallo, siduu nabadgelyo u yahay iyo inuu yahay wadankii ugu horeeyay ee Soomaali degan tahay ee xornimadda qaatay” ayay tidhi ergaygu.
Geesta kale Dr. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa ku amaantay xildhibaanad Faadumo Cali Madar ka mid ahaanshiyaheedda golaha degaanka caasimadda Norway, iyadoo ku tilmaantay in ay magac iyo sumcad weyn u soo jiiday Somaliland,waxaanay tidhi; “Waxaan aad iyo aad ugu in ay ka mid tahay xubnaha golaha degaanka Oslo gabadh u dhalatay Somaliland, oo ah marwo Faadumo Cali Madar, oo wadankan (Norway) aad looga jecel yahay, magac weyn-na u soo jiiday haweenka iyo dadka Somaliland iyo guud ahaan dadka Soomaalida ah iyo dalalka qaaradda Afrika-ba. Aad iyo aad ayaanan ugu hambalyaynayaa xildhibaanad Faadumo xidhiidhkan, hawsha weyn iyo sumacadda wanaagsan ee ay ummadeedda u soo jiiday.”
Dhinaca kale, xildhibaanad Faadumo Cali Madar, oo Edna Aadan kulanka ay la yeelatay maayarka Oslo ku wehelinaysay oo iyad-na halkaas ka hadashay ayaa tilmaantay in maayarka caasimadda Norway ay si rasmiya ugu qaabishay xafiiskeedda dr. Edna Aadan Ismaaciil.
Faadumo Cali Madar, waxa kaloo ay sheegtay in saacadihii uu kulankaasi socday ay labadda masuul si wanaagsan ugaga wadahadleen waxyaabo ay ka mid ahaayeen caafimaadka iyo arrimaha dadka Somaliland u dhashay ee ku nool dalka Norway waxaanay tidhi “Kulan aad u qiimo badan ayuu ahaa, si toos ah ayaa loogu qaabilay Edna golaha degaanka Oslo, maayarka ayaana u qaabishay si rasmiya. Si wanaagsan ayaanay uga wadahadleen arrimaha caafimaadka, arrimaha dadka qurba joogta Somaliland u dhashay ee dalkan Norway ku nool iyo kuwa Soomaaliyeed-ba. Kulan aad u fiican ayaanu ahaa, waxaanan dareemayaa in si heer sare ah uu u dhacay kulankaasi.”