Somaliland: “Muuse Erey Gaf Ah Waa Laga Yeedhsiin jiray Waanu Eedi Jiray” Cali Gurey

Gudoomiye ku xigeenka saddexad ee xisbiga mucaaridka  ah ee UCID muj.Cali Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ka hadley hadlo dhawaan ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi oo uu rer Berbera kaga hadlaayey

Cali Guray oo qoraal kooban soo dhigay Facebookga ayaa waxaa uu sheegay in aanu hadalkaasi u qalmin shacabka rer Berbera in lagu yidhaahdo inkasta oo masuuliyiinta jaamacadda iyo wakiilka xisbiga KULMIYE ee Berbera arrintaasi samo iyo wax sheeg ku fasireen, Cali Gurey ayaana isagoo arrinkaas ka hadlaya waxa uu yidhi

” BERBERA LEEBAANO

“Illayn af aanad lahayn lama qabto! Waar hadalku guracanaa.

Hadda ogaada Madaxwayne ayuu u socdaa wax aan qab qab dhaafay iyo kibir iyo isla wayni ahayn oo lagu doorto ma hayo ee ma lagu dooran. Hadda caqligiisa cid kale ayuu mindhaa ku raaligeli is leeyahay.

Eray gef waa laga yeedhsiin jiray waanu eedi jiray kanna mahadin maayo. Musharaxnimada boolida ah reer Berbera ayuu ku helay oo looga taag waayay ka daaya iyo ka jooga. Hadda qayladiyo qacdu waa iyaga aniguna waxan leeyahay”

WAX KU QAADAN MAYSAAN

WACDARAHA ADUUNKEE

WAYDIIYA CULIMADA

Comments

comments