Somaliland: Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Qaadacay Inay Saxeexaan Xeerka Anshaxa Doorashooyinka

Xisbiyada mucaaradka ah ee Ucid iyo Waddani ayaa si wada jir ah u diiday inay saxeexaan xeerka anshaxa doorashooyinka iyo gudi dabagal oo dhanka warbaahinta u jihaysan maalmaha doorashada.

Labada xisbi ayaa codsaday inuu madaxweynuu ku wareejiyo komishanka doorashooyinka awoodahooda oo dhamays tiran kuwaas oo ay ku jiraan inay ciidamadu ka amar qaataan mudada doorashada komishanka doorashooyinka,waxa kale oo ay diideen gudi loo samaynaayay dabagalka warbaahinta oo laba xubnood wasiirka warfaadinta Cadaani soo magacaabay, waxaana ugu horayntii markii ay shirkaas ka soo dareereen warbaahinta la hadlay Maxamed Cali Madoobe (Jiir) oo xisba Ucid ka mid ah waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa jiray laba xeer oo kala ah xeerka saxaafada iyo xeerkii anshaxa oo labadoodaba la doonayo in la saxeexo, labadan xeer waa ay kala dhinaayeen waxii dhinaa ee aanu ku darnay ayaa maanta la diidan yahay waxa la saaray culays komishanka iyo haayadaha ay ay qusayso, waanu ka soo baxnay maanta xeerka saxaafada, waxaanu uga soo baxnayna xukuumadii ayaa maamushay oo wasiirkii warfaafinta ayaa maamulay markuu laba xubnood keenay isagu oo saxaafadii ka mid ah oo labadii xisbi mucaarad ee kale ay ku yeelan waayeen xubno, waxa loo jeedaa in aanay doorashadaasi noqon mid dhexdhexaad ah, dhawr guri ayaa lagu ururiyay shaqaalihii dawlada lana doonayay in loo kala diro hawlo doorashada iyo ollolaha khuseeya, waxaanu leenahay madaxweynaha iyo komishanka saddexdii xeer ee ku lifaaqnaa xeerka anshaxa ee doorashada ilaa laga soo saxeexo madaxweynaha, xeerka anshaxa ma saxeexayno hadaanu nahay labada xisbi mucaarid.”

Sida oo kale xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa dhankiisa isaguna sheegay mawqif la mid ah ka xisbiga Ucid”Hadaanu nahay xisbiyada Ucid iyo Waddani in ilaa la saxeexo sadexda wareegto ilaa la keeno aanay labadaas xisbi saxeexayn, waayo wax aanu saxeexnaaba ma jiro haddii ciidamadii ay dawladu xukumayso oo aan wareegtadii la soo saarin oo aan komishankii awoodiisii la siin oo dhaqaalihii dawlada lagu tagrifalaayo oo shaqaalii dawladu ollolaynayaan wax tartan ah oo dhacayaa ma jiro, waxaanu saxeexaynaana ma jiro, waxaanu jecelnahay si dalka nidaamkiisa iyo shuruucdiisa loo raaco inay u hoggaansanto xukuumadu madaxweynuhuna uu soo saaro waxii sharci ah ee komishanka doorashooyinku uu leeyahay si ay xisbiyaduna u saxeexaan heshiiskaas. waxa la yidhi waxa la soo saarayaa gudi ilaalisa saxaafada si aanu qalad dalka uga dhicin oo dabagal ah, waxaana la yidhi wasiirka warfaafinta ayaa laba xubnood ku daraaya wasiirkuna waa Kulmiye, markaas Kulmiyena waa lagu darayaa labada xisbi ee kalena waa ka dibada waana gudi daba gal wax aadamaha loola yimaado maaha, komishanka waxaanu leenahay si cadaalada aad u fulisaan laba arinba waanu ogolnahay, kow in laga saaro labadaas ay dawladu wadato ee wasiir Cadaani magacaabayo in laga saaro oo xisbiyada oo dhami ay dibada ka joogaan iyo wax kale oo aanu ogolnahay in labdaas Cadaani loo ogolaaday min laba loo ogolaado Waddani iyo Ucid.”

Comments

comments