Qaramada Midoobay Oo Hadal Hanjabaad U Eeg U Jeedisay Hoggaamiyaha Xasuuqaya Muslimiinta Dalkiisa Myanmar

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobe Antonio Guterres, ayaa mar kale ugu baaqay Hogaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi, inay soo afjarto howlgalada militari ee ku khasbay kumanaanka kun ee Qof ee ah Muslimiinta Rohingya in ay u qaxaan Bangladesh.

Mr Guterres ayaa u sheegay BBC in Aung San Suu Kyi ay haysato fursad ay dib u eegis ugu samayn karto xaaladda marka ay khudbadda u jeedinayso qaranka Salaasada soo socota.

Mr Guterres ayaa sheegay in haddii ayna imika tallaabo qaadin ay musiibada noqon karto mid naxdin leh.

Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeeyay in dadka rohingya loo ogolaado in ay dalkooda dib ugu labtaan.

Waxa uu sheegay in ay iska caddahay in uu jiro cadaadis ka imanaya militariga Myanmar.

Qaramada midoobey ayaa hore ugu tilmaamtay wax ka socda Myanmar isir sifeyn.

Aung San Suu Kyi oo hore loo siiyay abaalmarinta nabadda ayaa imika wajahaysa cadaadis xooggan oo ku saabsan in ay wax ka qabato howlgalada Milletari ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya.

Dad gaadhaya 400,000 oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka qaxay Myanmar isla-markaana gaadhay dalka dariska la ah ee Bangaladesh

 

Comments

comments