Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Xawaaladaha Dalka Ku Amray Inaanay Lacag Siin Qof Aan Haysan Kaadhka Dhalashada.

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa kulan la yeeshay Xawaaladaha Lacagaha ee Somaliland, kuwaasi oo uu faray inaanay Lacag siin laga bilaabo 1-da bishan soo socota qof aan sida kaadhka dhalashada Somaliland ee dalka diwaangalintiisu wali ka socoto.

Wasiirka ayaa sheegay inay arrintaasi isla afgarteen Xawaaladaha sidoo kalena kaantaroolada lagu waydiin doono dadka “Waxaan bulshada u sheegayaa, Xawaaladahana aanu ku heshiinay inaan qof aan lahayn Kaadhka dhalashada wax lacag ah oo Xawaaladdaha laga siin karaa aanay jirin, markay gaadho bisha kowdeeda.” Ayuu yidhi Wasiirka oo saxaafadda la hadlay kadib kulanka xawaaladaha.

Wasiir Cali Maxamed Warancadde, waxa kale oo uu walaac ka muujiyay Lacagaha telefoonka la iskugu diro ee Dollarka ah oo uu sheegay inay keenayaan sixir barar iyo in lagaba maarmay lacagta Shilinka Somaliland.

“Runtii waxaa jira arrimo badan oo Sixir barar keeni kara, oo in laga hor tago ay fiican tahay sida Saadka oo kale, oo ay muuqato in lacagtii Somaliland ba laga maarmay oo macaal qofkii Baska raacayay Lacagta iskaga bixinayo Saad ama Lambarka Lacagta laga dirayo, arrintaas oo aan runtii u arko inay dhaqaalaha wax yeelayso, haddii dhaqaaluhu wax noqdana ay nabad galyada wax yeelayso oo waajibkaasina na saaran yahay, sidaas awgeedna waanu ka wada hadalnay sidii looga fikiri lahaa in Lacagaha Saadka(Lacagta doolarka ah ee telefoonka la iskaga diro) looga dhigi lahaa Lacagta Shilin Somaliland ah” ayuu yidhi wasiirku.

Shirkaddaha isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom iyo Somtel ayaa bixiya adeegyada Zaad-ka iyo E-dahab oo bulshadu ku adeegsato telefoonadooda Lacag doolar ah, balse Baniga dhexe ayaa muddo sii horaysay sheegay inay isla afgarteen in Somaliland Shiling laga dhigay hase ahaatee arrintaasi ma noqon mid hirgashay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...