Somaliland: Guddi Diyaarinaysa Ajandaha Shirweynaha Somaliland Iyo Khaatumo Oo Shalay Wada-hadallo Uga Bilaabmeen Magaalada Caynaba

Magaalada Caynabo ee Xarunta Gobolka Saraar, ayaa waxa Shalay Wada-hadallo uga furmeen Guddi ka kooban 8 Xubnood, kuwaasi oo kala matalaya Somaliland iyo Khaatumo.

Guddigan 8-da Xubnood ka kooban ayaa waxa Dawladda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo u soo xuleen inay soo sameeyaan Ajandaha Shirweyne loo dhan yahay oo Somaliland iyo Khaatumo uga furmaya Magaalada Burco, kaasi oo uu Gogoshiisa fidiyey Madaxweynaha Somaliland.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha oo ka mid ah Xubnaha Dawladda Somaliland ugu jira Guddigaasi, ayaa in Shirku si wanaagsan ugu furmay “Wada-hadalladaasi si wanaagsan bay u bilaabmeen, Guddi Afar iyo Afar ah ayaa isku yimid, welina way socdaan, waxaanuna rejaynaynaa inuu dhaqso u soo dhamaado illaa Berri (Maanta)…”ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey in Guddi ahaan ay wax badan isla soo qaadeen isla Shalayba, wax badanna u hadhsan yihiin.

Heshiis ay Dawladda Somaliland iyo Khaatumo ay 27-kii bishii hore Hargeysa ku kala saxeexdeen, ayaa waxa Qodobbadiisa ka mid ahaa in Guddigan Shirku uu Shalay uga furmay Caynaba ay soo diyaariyaan Ajandaha Shirweynaha loo dhan yahay, kaasi oo Qorshaysan in Burco lagu qabto Dabayaaqada bishan September ee aynu ku jirno “Ujeeddada Shirka laga leeyahay waa Somaliland oo mid ah oo isku niyad-san, oo Sinnaan iyo Caddaalad Cid walba ka hesho, waxaanu qabsoomayaa Dabayaaqada bisha September, haddanay wax kale imanin oo aanay naga weecinin.”ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlayey Shirka jaraa’id ee lagu shaaciyey Heshiiska lagu sameeyay Guddigan Caynaba ku shiraysa.

Wasiirka Arrimaha gudaha Khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf oo isaguna Maalintaa ka hadlayey Waajibaadka iyo shaqada Guddigan 8-da Xubnood ka kooban ayaa yidhi “Labada dhinac waxay saareen Guddi ka kooban 8 xubnood, Afar iyo Afar ah, kuwaasi oo shaqadoodu tahay inay soo diyaariyaan Shirweynaha la iskugu imanayo, Ajandihiisa, Tirada Ergooyinku noqonayaan, Madasha Shirka lagu qabanayaa halkay noqonaysaa, Muddada Shirku soconayaa intay noqonaysaa..”

Comments

comments