Deg Deg: Wefti Xukuumada Iyo KULMIYE oo lagu Eedeeyay inay reer Qori-lugud kala Dhex-dhigeen SHAKI

Date:

Gudoomiyaha degmada Qori-lugud ee Xisbiga WADDANI, Dayr Maxamed Xiinwaal, ayaa ku eedeeyey wefti ka socda Xukuumada Iyo Xisbul-xaakimka KULMIYE oo ka soo jeeda deegaanka Qori-lugud inay bulshadii Deegaankaasi kala dhex dhigeen naxli iyo kala shaki kadib markii ay gaar gaar ula kala shireen jifooyinka halkaasi wada dega.

Dayr Maxamed Xiin-waal, Gudoomiyaha xisbiga WADDANI ee degmada Qori-lugud, ayaa sidaa u sheegay mar uu u waramay qaar ka mid ah warbaahinta, waxaanu yidhi “..Wafti kasocda Xukumada iyo Xisbul-xaakimka KULMIYE oo uu hogaaminayo Wasiir-u-dawlaha xannanadda xoolaha Cabdirashiid Riyo-raac oo ay la socdaan hanti-dhawraha guud Siciid Saleebaan Mire iyo Agaasimaha Wasaarada Biyaha Cabdirisaaq Naakhuude iyo gudoomiyaha KULMIYE ee gobalka Togdheer Xasan Mataan, ayaa noogu yimi dagmadan Qori-lugud. Xubnahan oo dhamaantood kasoo jeeda isla deegankan, ayaa fadqalale iyo kala faquuq ka bilaabay degmada, waxay la kala shireen jifooyinkii reeraha, taasoo keentay inay dadkii isku midka ahaa shaki iyo naxli kala galiyaan waxay isku dhacyadii halkan ka dhacay sababeen in riigii biyaha Coodanle albaabada u xidhmeen,  waxa isna la xidhay gaadhigii degmadu lahayd oo isna hada ka hor lagu keenay hinaase, kadib markii xisbiga WADDANI dagmada Qori-lugud u balan qaaday gaadhi iskaroga ah, kaasoo ay qaab hinaasa u keenan reer KULMIYE, ayaa hada ku xidhan Isteeshinka magaalada..”. Ayuu yidhi Dayr Maxamed, Gudoomiyaha degmada Qori-lugud ee xisbiga WADDANI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...