Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa canbaareeyay xasuuqa iyo tacadiga lagu hayo dadka Muslimiinta Rohingya .
War-saxaafadeed uu soo saaray madaxwaynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin qaabka bina’aadanimada ka baxsan ee ciidamada ammaanka ee xukuumada Myanmar ay ula dhaqmayaan bulshada Rohingya.
War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa sidoo kale waxa loogu baaqay dowlada Myanmar in ay joojiso rabshadaha arxan darada ah iyo isir sifeynta lagula kacay dadka rayidka ah islamarkana loo ogolaado in kaalmada bina’aadanimo ay gaarto dadka u baahan.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo)ayaa ugu baaqay beesha caalamka gaar ahaan qaramada midoobe in ay qaadaan tillaabo lagu joojinayo ololaha xasuuqa ee ka dhanka ah dadka Rohingya ee ku nool Myanmar.
Hadalka madaxwayne Siilanyo ayaa ku soo beegmaya xilli kumanaan qof ay ka qaxayaan dalka Myanmar.
Waxaa aad u kordhay dadka muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, waxayna gaareen illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay
Halkan hoose ka akhri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyadda:
Date: 09.09.2017
Press Release: ROHINGYA COMMUNITY CRISES
The President of Republic of Somaliland;
H.E. Ahmed Mohamed (Silanyo)
In The Name of ALLAH, the Most Merciful Most Magnificent;
We are utterly disturbed by the reports and scenes of inhuman treatment of the Rohingya community by the Myanmar security forces. We urge Myanmar government to stop the horrendous violence and the ethnic, and religious cleansing against the Rohingya civilians, and to allow humanitarian assistance to reach those who need it so desperately.
We urge the international community, particularly the UN, to act to stop the genocidal campaign waged against the Rohingya people in Myanmar.
H.E. Ahmed Mohamed Silanyo,
The President of the Republic of Somaliland
Released by: the Presidential Press, Communications and Spokesman’s Office,