Somaliland: Marwo Faadumo Siciid Oo Kabaha La Dul-Maray Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam

Date:

LaTaliyaha Arimaha Dibada ee xisbiga Waddani, Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiiradda Maaliyadda Xukuumadda Kulmiye Marwo Samsam Cabdi Aadan Oo Dhaliilo Culusi oo musuq maasuq wakhtigan dul heehaabayaan islamarkaana tahli kari wayday balan qaadyo badan oo ay bulshada la soo hor fadhiisatay,Waxa ay ugu baaqday inay si deg deg ah isku casisho haddii ay damiir leedahay maadaama oo ay ku fashilantay balan qaadyo badan oo ay qaaday sida sixir-bararka oo xadhkaha goostay,Waxa kale oo ay waxba kama jiraan ku tilmaantay warar been abuur ah oo ay baahiyeen xukuumada Kulmiye oo sheegay in Faadumo Siciid ka baxayso xisbiga WADDANI.
Marwo Faadumo Siciid waxa ay sheegtay in xiligii doorashada ay ka hadhay lixdan maalmood oo kaliya aanu jirin sabab ay uga tagto xisbiga WADDANI oo ay ka tirsan tahay, wararkaasina ay yihiin warar riqiis ah oo ay baahiyeen Warbaahinta Kulmiye.
Marwo Faadumo Siciid oo waraysi gaar ah siisay Telefishanka Eryal ayaa dhaliilo u jeedisay Wasaarada Maaliyada, waxaanay sheegtay in Wasaaradaasi aanu joogeen xiligan qof damiir lihi oo uu iscasili lahaa kadib markii ay ku fashilantay inay wax qabto sicir bararka oo ay tilmaantay in halkii dollar uu maanta marayo toban kun oo shilinka Somaliland ah.
Lataliyaha Arimaha dibada ee xisbiga Waddani, Marwo Faadumo Siciid oo arimahaasi ka hadlaysaana waxa ay tidhi “Walaahi Wasaaradaasi Maaliyada Qof Damiir Lihi wuu is-casili lahaa, Samsam waa inan inaadeertay ah, waa inan aanu saaxiib ahayn, laakiin marka aad shaqada ka soo bixi kari waydid naftaada runtaa loo sheegaa, dabadeed waxa la doonaa in qof kale oo shaqadii qaban karaya, wakhtigaas oo kale waa laga dagaa kursiga oo waxa la yidhaa qof aniga igu dhaama bal inuu yimaado, laakiin may noqon dee waxa weeyaan uun sicir bararku ha iska sii socdo, Ilaa dawladd cusub oo hagaagsan oo u tudhaysa dadkeeda ay timaado.
Halkee lagu arkay halkii dollar oo maraaya toban kun oo Shilling, macquul maaha, markaa waxa weeyaan waa lagu fashilmay, runtiina waa la soo dajin kari waayey, hadii la soo dajin kari lahaana waa la soo dajin lahaa, hadaanad waxaa khibrad u lahayna waxa la keenaa qof kale oo waxaa khibrad u leh, xataa hadii aad si kale u garan waydid qof international ah ayaa dibada laga keensadaa, markaa waxa weeyaan talada waa la badiyaa. Xataa hadaad wax kale garan waydid mucaaridku waa qof reer Somalilander ah oo waxa la yidhaahdaa waar heedhe dadkii way bakhtiyayaane maxaynu samaynaa.
Maantana iyadoo wasaaradii maaliyadu ay halkaa marayso ayay hadana leedahay cashuur kale ayaan dhakada ka sii saarayaa, dee taasi waxa weeyi dadkii way dhinteen laakiin waanu sii aasaynaa, si malaha labadaa bilood ee doorashada ka hadhay aan meesha cidba loogu iman.
Markaa dawladan maanta joogta ee Kulmiye waa ma naxdo, xurmo daran, waxa weeyi dadkeeda uma tudho oo uma tudhayso, waxa weeyi mid aan waligeen iyo abidkeen aan ina soo marin.” Ayay tidhi Faadumo Siciid Ibraahim oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Waddani.
“Muuse waa nin inaadeerkay oo qiimo farabadan aan u hayo, Cabdiraxmaan Cirro-na waa qof wanaagsan oo aanu is leenahay mashaakilo farabadan muu soo galin, dagaal muu soo galin, markaa waxa laga yaabaa wakhtigan in aynu u baahanahay qof diplomacy-ga yaqaana oo Ambassador soo noqday, qof dibadaha soo maray oo Ambassador u noqon karayaa wadankiisa iyo dalkiisa, markaa waxa weeyaan waa la rogrogaa waligaa meel kaliya uun lama eego, anaguna mar hadaanu Subeer Awal nahay waxaanu door bidnayba in laynkii qabyaaladaba aanu jabinay oo qabyaalada aanu ka dooranay oonu ka jecelaanay qaranimada.
Gobolka Saaxil waa gobolka kaliya ee Somaliland la balanbaliyey runtii, waxa weeyi dadkii deganaa cid ala cid wax weydiisay ma jirto, waxa la yidhi DP World marka ay timaado shaqo ayay abuuraysaa, reer Saaxil shaqo ayay badhaadhayaan balse anagu runtaanu ogayn waanu sheegnay oo waxaanu nidhi waxaasi wax ka suurtoobaysaa ma jirto, xaqiiqatana sidii aanu anagu nidhi ayay noqotay.” Ayay tidhi Faadumo Siciid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...