Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani ayaa waxaa uu soo gutey waajibaadkii xajka ee sanadkan isla markaana waxaa uu ku soo jeeda dalka iyada oo la filaayo in maalinta Bari ah uu ka soo degi doono madaarka Hargeysa
Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa marka uu dalka ku soo laabto waxaa uu safar dhoolatus ah ugu bixi doonaa gobalada Awdal iyo Gabilay isla markaana waxaa uu bulshada labdaasi gobal kala hadali doonaa Fagaaarayaasha
Dhinaca kale waxaa xusid mudan in Magaalooyinka Gabiley iyo Boorama si weyn looga dareemayo qaban-qaabada soo dhaweynta weftiga kusoo jihaysan ee uu hoggaaminayo musharax Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro .
Docda kalne khayriyooyinka magaalooyinka Gabiley iyo Boorama, ayaa lagu wadaa inuu Musharax Cirro kala haddlo Bulshada, balse xogo rasmi ah aan helayno ayaa sheegaya in ay xukuumadda KULMIYE ay qorshaynayso in ay ka hor-joogsato Xisbiga WADDANI Khayriyooyinka magaalooyinka inuu bulshada kala hadlo
Gabo gabadii Waftiga uu hogaaminaayo Musharaxu ayaa la filayaa in goboladaas ay xaflado soo dhaweyn ah ugu qaban doonan taagerayaal cusub oo ku soo biiray xisbiga Waddani isla markaana ka soo digo rogtay Kulmiye