Somaliland: Cashuurtii Kastamka Berbera Oo Loo Leexiyey Baanan Gaar ah Iyo Qandaraasyadii Dawladda Oo Dad loo Xidhay

Date:

Xoggo Wargeyska Yool uu ka helay illo rasmi ah, ayaa daboolka ka qaaday in dakhligii Kastamka Magaaladda Berbera loo leexiyey Baananka gaarka loo leeyahay, halka markii hore dakhligaas lagu xerayn jiray Baanka dhexe ee dawladda. Ma jiro wareegto ama war-murtiyeed arrinka ku saabsan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda.

Hase-yeeshee sida Wargeysku xogta ku helay tibbaaxeen, waxa amarka arrinkan oo laala xidhiidhiyey fulintiisa Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan uu dhacay Axaddii doraad, waxa Wararku intaa ku darreen Wasiirka Maaliyaddu ay ku dhaqanka arrinkan uga gol-leedahay cabsi la xidhiidha inuu dhinnaan-shiiyo ku yimaado Mushaharooyinka Ciidamada iyo shaqaalaha Dawladda, hadii aan gaadh laga qaban dakhliga Kastamka Berbera, oo isagu laf-dhabar u ah illaha lagu salleeyo odoroska ama mala-awaalka Miisaaniyad sanadeedka dawladda dhexe.

Geesta kale, Wararka Gobolka Saaxil laga helayo ee amarkan la xidhiidha qaarkood, ayaa sheegaya inaanu heli hir-gelin amarkan ku dhaqankiisu, sidaas darteenna dakhligii Kastamka Berbera uu weli ku dhaco Baanka dhexe, hase-ahaatee Wararka laftigooddu waxay iftiimiyeen in amarkani uu yahay mid suurto gal, balse laga yaabo inaanu weli kasoo wada dhamaan Wasaaradda Maaliyadda.

Docda kale, iyadoo lagu jiro xilli kala guur ah, waxa muddooyinkan u dambeeyey isa-soo taraayey dhacdooyin dhowr ah oo dhamaantood ku saabsan fadeexado iskugu jira ku tagri falka awooddaha qaranka iyo hayb-sooc lagu kala fadilayo muwaadiniinta Somaliland. Dhacdooyinkaa waxa kamid ah oo aan usoo qaadan karnaa, Todoba Koontiiner oo ay ku jiraan bacaha dalka laga mabnuucay, kuwasoo Kastamka Berbera lagaga soo saaray Warqad Wasiirradda Maaliyaddu qortay, oo sheegaysaa in Koontinaraddaasi yihiin taransid laga leeyahay dalka Itoobiya, sidoo kalena isu-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Kala-baydh qoraal af-garasho ah ku sheegay in Koonteenaraddaasi u gudbeen dhanka dalka Itoobiya.

Hase-ahaatee sida dhacday kolkii dambe la qabtay iyaddoo badeecaddii Koontiinaraddaas ku jiray oo lagu roggaayo bakhaaro ku yaala Magaaladda Wajaale, arrintaana waxa fashiliyey qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo iyaggu aan la socon sheekada qorsoodiga ah ee baddeecadan. Waxa kaloo, jira qandaraasyo dhowr oo aan la marin guddida qandaraasyada qaranka, kuwasoo sidda la sheego Wasiiradda Maaliyaddu siiso Shirkaddo gaar ah oo ay leeyihiin dad ay qaraabo yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...