Somaliland: Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Ka Noqotay Go,an Ay Hore Ugu Xidhay Todoba Dugsi Oo Kamida Goobaha Waxbarashada Ee Magaalada Hargeisa

Somaliland: Expedite The Recently-innovated Somaliland Curriculum, MoE Urges Privately Owned Schools

Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa sheegtay inay ka noqontay go’aankii ay shalay ruqsadda kagala noqotay todobada dugsi oo ka mid ah kuwa gaarka loo leeyahay oo Hargeysa ku yaalla.

Wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Habane oo warbaahinta la hadlay kadib kulan uu la qaatay maamulayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa sheegay inay arrintaasi ka heshiiyeen isla markaana ay dugsiyadaasi sii wadi karaan shaqadii ay bulshada u hayeen.

Ugu horayn Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin Mahad Ibraahin Maxamed ayaa bulshadii iyo waalidiintii ku xidhnayd dugsiyadaas ay la sii macaamili karaan, isla markaana ay dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo wasaaradda waxbarashadu ay ka heshiiyeen arrinkaas, isagoo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi: “Arrintii ku saabsanayd todobada iskuul ee ruqsadda lagala noqday arrinkaasi wuu dhamaaday waanu ka heshiisnay, bulsho-waynta Somaliland waxaanu u sheegaynaa iskuuladaasi adeeggii ay hayeen iyo xidhiidhkii ka dhexeeyey wasaaradda iyo awlaaddii ay gacanta ku hayeen sidoodii iyo si ka sii fiican buu noqon doonaa arrinkaasina is afgarad buu ku dhamaaday”

Sidoo kale wasiirka waxbarashada Cabdillaahi Habane ayaa sheegay inay xayiraaddii ka qaadeen, bacdamaa laga heshiiyey arrinkii jiray, waasiirka oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yidhi: “Todobadii dugsi ee (Warbaahinta) laga sheegay arrinkii aan ku haysanay ee wasaaradda waxbarashadu ku haysatay waa laga heshiiyey mar haddii laga heshiiyeyna anaguna xayiraaddii waan la noqonay, hawsha kormeerka iyo nidaamkuna waa mid socon doona” ayuu yidhi wasiirka waxbarashada Cabdillaahi Habane.

Comments

comments