Somaliland: Akhri Magacyadda Toddoba Dugsi Oo Waa Weyn Oo Secondary Ah Oo Magaaladda Hargeysa Kuyaala Oo Wasaaradda Waxbarashadu Ruqsadii Shaqada Kala Noqotay Iyo Digniin Ay U Dirtay Kuwa Kale + Sababta

Somaliland: Expedite The Recently-innovated Somaliland Curriculum, MoE Urges Privately Owned Schools

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa soo saartay go’aan ay Ruqsadii shaqada kala noqotay Todoba Iskuul oo Dugsiyo Sare ah oo Magaaladda Hargeysa kuyaala kuwaasi oo ay sheegtay inay u hogaasami waayeen Awaamiir wasaaraddu ku soo rogtay qaadashada Ardayda Kalaasyadda 8-Aad,kuwaasi oo aan wali Imtixaankoodii la soo sixin,Waxaana go’aan Wasaaradda lagu sheegay inuu ka dhashay kormeer ay wasaaraddu ku soo samaysay Dugsiyadani oo lagu qabtay iyadoo ay kalaasyada u fadhiyaan ardaydii looga digay.
Agaasimaha Xafiiska Waxbarashadda Gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Muuse Maxamed Shide (Xayaaka Laah) ayaa go’aankaasi ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada ka hor akhriyay Warbaahinta,Waxaana uu ku bilaabay Hadalkiisa sidan“iyadoo ay ahayd in la furo Bisha September ee 2017-ka ayaa qaylo badan iyo dhawaaq badan oo duruufo ku lifaaqan yihiin ay soo qadimeen Dugsiga gaar ahi,Wasiirku isagoo eegay Duruuftooda,Guryaha kirada ee ay ku shaqeeyaan,iyo ta Macalimiinta Waxa uu ka dhigay Bisha August-05-dii 2017- in Dugsiyadda la furo,laakiin Bishardi,Shuruud ayaa lagu xidhay,Ardayda Kalaasyada 8-Aad illaa la saxayo Imtixaankoodii, oo inanka Baasay iyo Inanka Dhacay lakala ogaado oo ay shahaadadoodii gacanta ku dhigaan Dugsiyadda Sare ma fadhiisin karaan,sidaasi ayay balantu ahayd”.
Waxa kale oo uu yidhi“Waxaa ka yimid inaanu maqalnay inay Foam-One-dii Dugsiyadda Sare qaadanayaan, dabadeedna Wasiirku shir ayuu qabtay Bishii 8-Aad 16-keedii oo ku beegan Maalintii Arbacadii, Waxa uu halkaasi ka sheegay Duruufo badan inuu qadariyay,maantana ay taagan tahay waar ardayda qorta,mar haddaad ka dhigteen Badeecad lakala boobayo laakiin ha fadhiisinina,maxaa yeelay hadaad arday dhacay fadhiisiso oo aad laba bilood lacag ka sii qaado sideeda uga dhaadhicin “Waad dhacday ee iga tag” illayn adiga ayaa qaabilee,Maxaad ku qaabishay,Marka ay umaddu ilbax tahay ee ay Wadaniyadi ku jirto waxay qaataan Awaamiirta, Haddaba Dugsiyada gaarka ah aniga ayaa la iidaba fadhiistaa Shar iyo Khayrba waxaan u sheegayaa maanta,Dugsiyada aan maray ee aan idhahayga ku arkay inta maqalka ah dooni maayo iyo inta Ku tidhi ku teenka ah,39-Dugsi sare ayaa ku yaala Magaaladdda Hargeysa, 8-dii u horaysay ee aan la kulmay iyagoo ardaydii haya, Waxaan ugu bushaaraynaa mar haddii ismaqalkii la dhaafay oo kala dambayntii la dhaafay oo lagu socdo “sidaan doono ayaan yeelayaa”,Taasi dawladnimo maaha”.
Waxa uu yidhi isagoo mid mid u sheegay Dugsiyada ay ruqsada kala noqdeen“Waxaan maanta u sheegayaa Dugsiyadda aan maray saaka,ee furnaa ee shaqaynayay ee aan ka xishoon inay dhaqan galiyaan baaqii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, waxaan maanta kaw ku bilaabayaa,Waa raxan raxan,Raxanta koowaad ee aanu kala noqonay Ruqsadii ay ku shaqaynayeen waxa ay kala yihiin sidan”:-
1-School of Tomorrow Of Secondary
2- 17-May Secondary School
3-Ilays-One Secondary School
4- Amaano Secondary School
5-Aklas Secondary School
6- Caalami Secondary School
7- Future Secondary School

Gabo gabadii Waxa uu intaasi raaciyay hadalkiisa “Todobaddaasi Iskuul waxaanu u sheegaynaa Mulkiilihiisa ama maamulihiisa inay dhagaha ka furaysteen dhawaaqii iyo awaamiirtii ka soo baxday Wasaaradda Waxbarashada sidaa darteen hadaan ahay anigu Masuulka shaqadaasi u qaabilsan Wasaaradda, waxaan u sheegayaa inta Afsoomiga ku hadasha,iyo inta idhagaysanaysa, Ruqsadii waanu kala noqotay Dugsiyadaasi, Markii horena aniga ayaa bixiyay,Maantana aniga ayaa kala noqday,wixii dacwad ah ama maxkamada sare la taga ama Heeg,waa go’aan,mar hadaad maqli waydeen amarkayagii,sharciga ayaan sidaasi ugu aargudaynaa”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay Agaasimaha Waxbarashadda Gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Muuse Maxamed Shide (Xayaaka Laah”.

Comments

comments