Somalia: Mukhtaar Rooboow oo dib ula wareegay deegaannadii shalay lagu dagaallamay

Date:

Inta la xaqiijinayo 20 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo maalintii shalay deegaanka Abal ee gobolka Bakool ku dhaxmaray xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo maleeshiyaad daacad u ah Mukhtaar Rooboow Abuumansuur.

Maxamed Xassan Fiqi oo ah ku-simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu nool yahay, xaaladiisana wanaagsan tahay, isagoo xusay in uu iska difaacay weerar lagu soo qaaday deegaankii uu ku sugnaa.

Waxaa u sheegay in afar jiho ka weerareen deegaanka uu ku sugnaa, gaar ahaan dagaalyahanno badan oo ka yimid dhinaca Gedo, waddooyin ka yimaada Bakool, Hiiraan iyo jidad kale ka yimaada dhinaca Baydhabo Baydhabo.

Waxaa uu sheegay in markii hore uu dib uga gurtay deegaankii uu ku sugnaa, islamarkaana weerar rogaal celis kaddib uu Abuu mansuur ka difaacday saldhigiisa sida uu hadalka u dhigay.

Kusimaha Madaxweyne kuxigeenka Koofur galbeed ayaa sheegay in gurmad ciidan ay u direen deegaanka uu ku sugan yahay Al-Shababa, si ay uga xiraan jidadka gurmadka uga imaanaya Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab laga gubay shan gaari dagaal, halka Abuu mansuur laga gubay hal gaari dagaal, sida ay xogta ku heleen, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhimashada labada dhinac ay ka badna tahay 20 ruux.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ciidamada dowladda iyo kuwa kooonfur galbeed ay wax kasta oo u furan sameynayaan, si ay dagaalka uga qeyb qaataan, una difaacaan Abuu Mansuur sida uu yiri.

Waxaa laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal dhex maro labada dhinac, iyadoo la soo sheegayo in wali dhinacyadii dagaalamay ay is hor-fadhiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...