Somaliland: Wiil Shaqaale Ah Oo Lacag Dhan 28ooo Kun Oo Dollar Ah Kala Baxsaday Khasnadda Dekedda Berbera Ee Shirkada DP World Maamusho.

Date:

Maxamed Cabdi Muxumed oo Lagu Naanayso Xato oo kamida ahaa shaqaalaha Dekeda Berbera ee Shirkada DP World kana tirsanaa shaqaalaha khasnada ee Lacagta qabta ayaa la baxsaday lacag dhan(28ooo $) Sideed Iyo Labaatan Kun oo dollar oo ahayd lacag uu habeen hore mar uu shiftiga shaqada kujiray ka shubay Markab xoolo ka qaaday Dekeda Berbera.

Lacagta ayaa ahayd lacag ay dawlada Somaliland leedahay hase yeeshee ay u qabato shirkada DP world ee Dekeda maamusha lacagtaas oo ah lacagta loo yaqaano Boarding Charge oo maraakiibta lagaga qaado mitirka dhererka iyo ballaadhanka uu bada ku jiro iyo saacadah uu biyaha Bada Somaliland taaganyahay looguna dhufto maalinta uu bada Somaliland soo istaago ilaa maalinta uu dhaqaaqayo.

Lacagtan ayaan lagu Wareejinin Shirkada DP World ee Dekeda Berbera Maamusha waxaanay lacagtani Raacday oo isticmaasha Waaxda Faraca Bada ee Dekeda Berbera ee uu Masuulka Ka Yahay Maareeyihii Hore ee Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir taas oo ay ka shaqeeyaan shaqaale gaadhaya ilaa 60 ruux oo isugu jira Pilot-ska Maraakiibta soo xidha iyo kuwa wada gaadiidka bada ee dawlada Somaliland leedahay iyo hawl wadeeno kaloo ka shaqeeya waaxdaas faraca bada ee Dekeda Berbera oo ka madax banaan shirkada DP World.

Maxamed Cabdi Muxumed(Xato)oo ah wiilka Lacagta la baxsaday ayaa kamid ahaa shaqaalaha Rasmiga ah ee shirkada Dp World la wareegtay waxaanu hore uga mid ahaa shaqaalaha Khasnada ee Dekeda Berbera oo ilaa hadda uu ka shaqaynaayay.

Ilaa Hadda la mahayo meel uu jaan iyo cidhib dhigay Wiilkaas lacagta adag la goostay shirkada Dp World iyo maamulka faraca bada ee dekeda berbera toona wax wara kamay soo saarin waxase la cadeeyay oo warkeedu meel kasta oo magalada Berbera ah marayaan in lacagtaas lagala baxsaday khasnada Dekeda Berbera ee shirkada DP World maamusho.

Hadiyo Jeer Lacagta Khasnada Dekedu qabato maantoo kale waxa beri subaxa oo kale lagu shubaa Banka Shirkada Dahabshiil oo Shirkada DP World Sanduuq Xisaabeed Ku leedahay lacagteedana ku kaydsato Waana sababta Wiilka shaqaalaha ah ufududeeyay dhaca lacagta isaga oo goor habeenimo ah ay ahayd goorta uu lacagta qabtay nadaamkuna uu ahaa inuu khasnada Dekeda kaga soo yimaado si subaxnimada loo shubo hase yeeshee jeebka ayuu kusoo qaatay islamarkiibana magalada wuu kabaxay sida la sheegay.

Sida ay sheegayaan xogaha aanu helay Shirkada DP World ayaan iskuba hawlin raadinta iyo daba-galka dhacdadan Lacgata Lagula goostay maamadama oo lacagta adag ee lala goostay aanay iyagu lahayn ee Waaxda Faracada Bada Dekeda Berbera leedahay hase yeeshee ay uqaban jireen oo kaliya.

Warar kaloo aan la xaqiijin ayaa iyaguna sheegaya in shirkada DP World ku doodayso in Masuuliyada koowaad ee shaqaalaha dawlada Somaliland leedahay Maamadama oo dawladu ku wareejisay wiilka lacagta la baxsadayna dawlada laga rabo inay keento hadii la waayana lacagtaasi aan DP World magdhaw ahaan ubixin doonin wixii danbena ay shaqaalaha Khasnada ujooga ee lacagta uqabtana qorshe deg deg ah oo lagu xakamaynayo usamayn doonto si aanay tan oo kale markale udhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...