Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo maanta ka hadlaayey munaasibad uu xisbigiisu ku soo dhaweynaayey siyaasiyiin miisan culus ku leh Somaliland ayaa waxaa uu  ka cadeeyey in uu baneenaayo kursiga gudoomiye nimada xisbiga Waddani.

Gudoomiye Ciro ayaa waxaa uu sheegay in kursigaasi uu ku wareejin doono isla markaana uu uga kacaayo beesha ka soo jeeda Gobalka Hawd iyo xaafada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa waxaana uu sabab uga dhigay taasi in xisbiga la wada yeesho

Comments

comments