Somaliland: Dardaarankii Duur Ee Walaaca Uu Ka Qabo Xaaladda Kala Guurka Ah Ee Doorashada Iyo Uu Jawaabta Wasiir Maxamuud Xaashi Ka Bixiyay

Date:

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah gacanta midig ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa damaanad qaaday in Madaxweyne Siilaanyo dalka gaadhsiin doono doorasho xor iyo xalaal ah.

Wasiir Xaashi ayaa hadalkan yidhi isagoo ka jawaabayay hadalo dardaaran iyo digniin ah oo uu wasiirkii hore ee daakhiliga Maxamed Nuur Caraale (Duur) ku ganay, ka dib markii ay shalay hadalo ka jeediyeen xaflad meher oo ka dhacday Hargeysa oo ay goob-joog ahaayeen saddex murashax madaxweyne ee KULMIYE, Waddani iyo UCID.

Siyaasi Duur

Md. Duur ayaa ugu horayn, wuxuu sheegay in Somaliland galayso xaalad kala guur ah duniduna ay eegayso sida ay uga dabaalato Somaliland xaaladaas, waxaanu yidhi  “Waxaynu ku jirnaa dal kala guur ah waa iga dardaaran, waa la ina eegayaa maanta waxa la eegayaa qaranka Somaliland wuxuu kaga gudbo doroashada, inagaa is kala gurna ee ma badnin ehel ayaynu isu nahay saddexa wiil ee tartamayaana waa walaalo dhammaan shacabkuna waa walaalo.” ayuu yidhi Duur oo intaas raaciyay “Waxa la eegayaa sidaynu uga baxno, cadawgeenaa ina eegayaa ka ina jecelina waa ina eegayaa.  Waxaan xasuusinayaa saddexda murashax way fadhiyaan maanta waana waayeel wixii umusha u dan ah ayaa ilmaha u dan wixiia murashaxa u dan aha ayaa umadana u dan ah.”

Duur wuxuu ciidamada qaranka ugu baaqay inaanay kala raacin siyaasiyiinta tartamaya iyo xisbiyada ee ay dusha si guud uga ilaaliyaan ammaanka qaranka oo ay dhex ka noqdaan tartanka xisbiyada, waxaanu yidhi “Ciidamada qarankoow waxaynu ku jirno ee xisbi ah ee calan ah ee kala duwanaan ah ee qabyaalad ah haddii aad inala gashaan qarankii waa dumay dardaaran gaar ah ayaan idiin farayaa waxa uu qaranku ku badbaadayaa markaad iska taagtaan meel ee nin kasta oo xad gudba magac kasta iyo muuqaal kasta oo uu yeesho aad gacanta qabataan ayaa qaranku ku badbaadayaa. Xukuumadda waa u dan, madaxweynaha waxa u dan ah saddex bilood ayaa u hadhay, madaxweyne niyad wanaagsan oo qalbi wanaagsan oo nabad jecel weeye, masuuliyiiinta maanta ku xeeran mudadaas sidaad uga saartaan ayaa Maxamuudoow la eegayaa.”

Wasiir Xaashi

Wasiir Maxamuud Xaashi, wasiirka madaxtooyada ayaa ka jawaabay digniinta Mr. Duur, waxaanu yidhi “Duurna wuu ku hagaagsanaa waxaanan isleeyahay waa ninkii odhan lahaa ayaan isleeyahay. Ninkani waa wasiirkii arrimaha gudaha, culayska doorashada iyo xilka saaran ayuu garanayaa, weliba wuxu maamulay doorashadii goleyaasha deegaanka oo xanaf badani ka soo gaadhay. Mar labaad mus-danbeed odhan maayee waa xidhihii Cirro.  Muusena haddaba anigaa u xidhe ah oo hadalkaasna waan kuu markhaati furayaa waxaanan leeyahay waan ku shaqaynaynaa. Axmed siilaanyana  way ka go’atahay marna waa dhex marna waa dhinac. Mar waa dhex oo qaranka oo dhan muhiim ayuu u yahay in si wacan doorashadaasi u qabsoonto taariikhdiisa ayay ku suntantahay ragan kaaliyayaashiisa ahna way ku suntantahay, waxa ka go’an doorsho wanaagsan oo cadaalad u dhacda, waana masuuliyad saaran,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...