Khilaaf siyaasadeed oo sababay in Madaxweyne kale lagu dhex doorto Buuhoodle ayaa ka dhex qarxay maamulka Khaatumo waxaana kooxaha is khilaafsan kala hogaaminaya Cali Khaliif oo Madaxweyne ah iyo ku xigeenkiisa oo garabka dhaameelka xamar looga soo daadiyey hor kacaya.
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo warbaahinta si gaar ah ula hadlay ayaa markii u horaysay ka hadlay xilka qaadista kooxdaasi sheegeen in ay isaga ku sameeyeen iyo sidoo kale Baarlamaankiisa oo Madaxweyne ku xigeenkii xasaanada ka xayuubiyey.
Ugu horayn Cali Khaliif Galaydh waxa uu cadeeyey in arimaha buuhoodle ka socda iyo qaska siyaasadeed ee magaalada ka jira laga soo abaabulay lagana soo shiidaaliyey magaalooyinka Xamar iyo Garoowe kuwaasi oo doonaya in ay maamulkiisa in qalaabeen waxaana isaga oo arimahan faah faahinayaa uu yidhi. “Waa run arrimaa ka dhacayey maal mahanba magaaladan Buuhoodle wixii halkan ka dhacayna waxa ay ahayd arimo laga soo shaqeeyey oo laga soo maleegay magaalada Xamar iyo magaalada Garoowe sidii aanu Somaliland Wada-hadalka ula bilownayba si dhab ah ayaa dagaal na loogu soo qaaday dhibaatada ugu wayn ee hadda Xamar iyo Garoowe nagu hayaan waxa ay ka timi wada-hadalkaa aanu Somaliland la galnay markaa niman hore uga tirsanaa Khaatumo oo xamar isku urursaday oo u jeedkooda ugu wayn ahaa sidii ay ugu joojin lahayeen wadahadalkan aanu wado oo hadii maamulkani ku dhaga adaygo in wada-hadalkan la wado in anaga meesha nalaga saaro oo in qalaab la sameeyo maamul cusubna la dhiso.”
Sidoo kale Cali Khaliif ayaa waxa uu sheegay in Baarlamaanku isku yimi Madaxweyne ku xigeenkiina xilka laga qaaday waxaana uu ka hadlay doorasho kale oo lagu doortay Madaxweyne labaad waxaana uu yidhi. “Baarlamaankii waa isku yimi waxa ay yidhaahdeen sidee uga baxnaa dhibaatadan ina haysata ninkaa Madaxweyne ku xigeenka ah ee inagu soo duulay ee xamar laga soo carbiyey waa in talaabo laga qaadaa sidaas ayaa Baarlamaanku shalay ku shireen sidaas ayey xasaanadii uga qaadeen isagii iyo afartii xildhibaan ee la socdayna Guri halkaas ah ayey afar qof ku shiriyeen mid wuxuu yidhi Madaxweyne ayaan ahay midna wuxuu yidhi madaxweyne ku xigeen ayaan ahay sadexna waxa ay yidhaahdeen midna Gudoomiyihii Baarlamaanka labana ku xigeen.”
Ugu Danbayn Cali Khaliif waxa uu sheegay waxa laga yeelayo Madaxweynaha isaga lagu bedelay ee Buuhoodle lagu doortay iyo waxa uu sharcigu ka yeelayo waxaana uu yidhi. “Shantaa qof ee isku tagay ma qaadi karaan talaabo ay Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka ku bedelaan wax dhib ah oo hada buuhoodle ka jiraana ma jiraan ciidanka Nabad galyada ayaana amaanka magaalada Gacanta ku haya.”