Somaliland: Xubno Miisaan Leh Oo Ka iska Casilay Xisbiga WADDANI Iyo Asbaabta Ay Istiqaallada U Dhiibeen

Date:

Qaar ka mida masuuliyiin Xilal sare sare ka hayay xisbiga mucaaridka ah ee wadani ayaa  shalay  shaaca ka qaaday in ay is casileen Masuuliyiintaas oo kala ahaa Xasan Godaad Xog-hayaha Xanaanada Xoolaha Ee Xisbiga Waddani, Mushtaaq Ibraahim oo ah xog-hayaha Cadaalada Garabka Haweenka Heer Qaran Ee xisbiga Waddani.  
Aamaal Yuusuf Cabdi oo ah Af-hayeenkii garabka haweenka heer qaran ee xisbiga wadani, Iyo Aamina Jirde Faarax oo ah Gudoomiyihii abaabulka iyo wacyi galinta Xisbiga Wadani Ee Gobalka Maroodi Jeex  oo ay weheliyaan  Xasan Axmed Muuse (Xasan goodaad) oo ahaa  Xog-hayaha Xanaanada Xoolaha ee WADDANI iyo  Mushtaaq Ibraahim oo oo ah xog-hayaha Cadaalada Garabka ayaa shir jaraaid oo ay Hargeysa ku qabteen waxa ay kaga hadleen is casilaadooda.

Ugu Horeyn xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee WADDANi Xasan Goodaad oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi  “ waxaan   halkan idiinka cadaynayaa in aan iska casilay Xilkii aan ka hayay xisbiga wadani oo ahaa xog-hayihii Xanaanada Xoolaha iyo Xubinimadii Xisbigaba intaa ayaan maanta halkan ka cadaynayaa, Xisbiga anaa imi cidi imay keenin cidi imay qasbin maantana anaa ka tagay.

Sido Kale waxa iyana halkaasi ka hadashay Mushtaaq ibraahim oo ah xog-hayaha Cadaalada Garabka Haweenka Heer Qaran Ee xisbiga Wadani “ halkan   waxaan u imi in aan ka shaaciyo mawqifka halkan u imi waxaan halkan ka sheegayaa in aan iska casilay xilkii aan ka hayay xisbiga wadani oo ahaa xog-hayaha cadaalada ee xisbiga wadani kolay ani ayuubaa xisbiga imi markaan imaanay imikan anaa ka tagay.

SAM_0513.JPG-1

 

Amaal Yuusuf Cabdi oo ah Af-hayeenkii garabka haweenka heer qaran ee xisbiga wadani  ayaa sido kale iyana shaaca ka qaaday in ay iska casishay xilkii ay ka haysay xisbiga wadani waxayna Tidhi “ aniga oo ah Amaal yuusuf kana mida masuuliyiinta xisbiga wadani taytalkayguna yahay af hayeenka garabka haweenka heer qaran ee xisbiga wadani waxaan gartay anoo maanakayga iyo miyirkayga qaba in aan iska casilay xisbigii wadani ee aan ku jiray, sababo la xidhiidha danahayga gaarka ah.

Waayo taageerayaashaydaii iyo cid kasta oo na garab taagnyid markaan waxa aan kula noqdo aan garan waayay ayaan go’aansaday in aan iska casilo gudoomiyaha xisbiga wadani isaga ayaa nugu wacan koradhsiimaha doorashooyinka iyo dib u dhaca dhamaan waxaa isagaa ka masuula ayaan qabaan intaa in ka badan ma awoodno in aanu u dul qaadano.

Gabagabdii waxa iyana madashaasi ka hadashay Aamina Jirde Faarax oo ah Gudoomiyihii abaabulka iyo wacyi galinta Xisbiga Wadani Ee Gobalka Maroodi Jeex “  kolay ujeedkayagii waad haysaan saxaafadan waxanu isugu Yeedhnay in aanu halkan ka cadayno mabdayaga oo ah in aan iskaga tanaasulo xisbiga wadani markaan maanta waanu iska casilay xadhigba waanu ka bixi waynay sidaasna waan iskaga casilay.

Si kastaba ha ahaatee waxa mudooyinkii u dambeeyay iska soo daba dhacaayay Masuuliyiin Hor Leh oo iska casilaaya Xisbiga Maucaaridka ah ee Wadani

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...