Somaliland: Xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigaya Hantida Gaarka Ah Ee Murashax Cabdiraxmaan Cirro Doorashada Ka Hor Iyo Mugdiga Ku Gedaaman Dhigiisa KULMIYE Muuse Biixi.

Date:

“Hantida Murashaxa WADDANI Waanu Soo Bandhigaynaa Dhawaan Qarsoodina Ma Noqond Doonto” Afhayeenka Xisbiga WADDANI

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa markii ugu horaysay ku dhawaaqay inuu dhawaan soo bandhigayo hantida gaarka ah ee murashaxa Madaxwaynaha ee xisbigaas Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Afhayeenka xisbiga WADDANI, Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa sheegay inaan hantida Cabdiraxmaan Cirro noqonayn mid qarsoodi ah isla markaana ay dhawaan saxaafadda iyo bulshada Somaliland u soo bandhigayaan, isagoo arrimahaas ka hadlayana wax uu yidhi:
“Annagu xisbi ahaan dhawaan ayaan badka soo dhigaynaa saxaafadana ugu yeedhaynaa hantida gaarka ah ee uu leeyahay murashaxa Madaxwaynaha xisbiga WADDANI mana noqonayso qarsoodi”. Sidaa Waxa saxaafadda u cadeeyay Afhayeenka Xisbiga WADDANI.

Waxay noqonaysa markii ugu horaysay taariikhda Somaliland ee uu murashax madaxwayne soo bandhigo hantidiisa gaarka ah doorashada ka hor, haddii uu guddoomiye Cirro soo bandhigo hantida uu gaarka u leeyahay waxay sii kordhin doontaa shakiga laga qabo hantida gaarka ah ee Murashaxa Xisbiga KULMIYE Mud. Muuse Biixi Cabdi oo had iyo jeer su’aal la iska waydiiyo, iyadoo la tilmaamo inuu yahay shakhsiga labaad ee ugu guryaha iyo dhulka badan Magaalada Hargaysa marka laga reebo Ganacsadaha caanka ah ee Baxsane, su’aasha ugu weyn ee bulshadu is waydiisu ayaa ah halka iyo sifaha uu ku dhaqday hantida intaas leeg ee uu ka keenay maadaama oo aanu waligii hawlo ganacsi galin, waxa kujira hantida Murashaxa KULMIYE haysto beero dawladu leedahay, dhul shacabka ku yaala iyo qaybo kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...