Somaliland: Murashax Cirro oo Kasbadday Taageeradda Qoor-weynta Galbeedka Saaxil

Date:

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro), ayaa kulan qado-sharaf ah u sameeyey Cuqaasha, qoorweynta, iyo wax-garadka ka soo jeeda beelaha Ciise Muuse Galbeed ee Aadan iyo Abokor ba Madax-dhaqameedkooda.

Guddoomiye Cirro oo kulankan ay ku wehelinaayeen saraakiil ka tirsan Xisbiga WADDANI, Cuqaal iyo Madax-dhaqameed kale oo aad u tira badan, ayaa labada dhinac ba iska xaal waraysteen xaaladda guud ee dalka, iyagoo isla falan-qeeyeen sama-tabaxinta dalka iyo siddii loo badbaadin lahaa oo ay isla qireen in Xisbiga WADDANI yahay xisbiga ugu habboon ee lagu aamini karo talada dalka sida oo kale-na horumar iyo ictiraaf gaadhsiin kara qaranka Somaliland.

Kulankan oo marka la eeggo duruufaha Siyaasadeed ee hadda u muuqda mid xasaasi ah, ayaa dhanka Xisbiga Waddani iyo musharraxiisa Madaxweynuhuu waxa uu u noqonayaa tallaabo miisaankeeda leh oo ay u qaaday dhanka guusha, sidoo kalena waxgaradka beelaha galbeedka Saaxil ayaa iyanna geestooda, waxa uu kulankani u yahay fursad siyaasadeed oo ka faa’ideeyeen waqtigeedi, gaar ahaan marka la eego tabashooyinka is-dul buuxiyey ee la dersay bulshada ay wakiilka u yihiin ee ku dhaqan gobolka Saaxil, sidaas darteed ay fursadani ay tahay jaanis qudha ee shacabka reer Saaxil kaga bixi karaan cabashooyinka arramida isu bedelay, kolkii ay ka tan-badatay bulshada ku dhaqan Gobolka Saaxil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...