Somaliland: Kulamo Taageero Loogu Muujinayo Maxamuud Xaashi Oo Ka Qabsoomay Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa

Date:

Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo kala jeeda badiba beelaha Somaliland ee ku abtirsada Taageerada Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo muddooyinkii ugu dambeeyey kulamo kala duwan ku yeeshay goobo kala duwan oo dibadda iyo gudaha dalkaba ah ayaa waxa ay taageero ugu muujiyeen Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay qabaan ama aaminsan yihiin in uu yahay shakhsiga ku habboon Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE, Kadib Xilka Guddoomiyaha iyo Musharraxa wakhtigan Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Kulamadii ugu dambeeyey ee taageerada loogu muujinayo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa toddobaadkii ugu dambeeyey qaar ka mid ahi ku qabsoomeen Magaalooyinka London iyo Hargeysa iyada oo aqoonyahanka, odayaasha iyo waxgaradka taageera xisbiga KULMIYE ee kulamadaasi ka qayb galay ay ka doodeen sidii ay taageero Mug leh isugu garab taaagi lahaayeen in ay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ugu baaqaan in uu hanto jagadaasi ayna ku garab taagan yihiin marka la eego miisaanka siyaasadeedee Wasiirka iyo doorkii uu ku lahaa dhismaha xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan geeddi socodka hannaanka dawladnimo ee Somaliland laga soo bilaabo tan iyo sannadkii 1991-kii oo uu ahaa Maayarkii suurto galiyey ee gogosha u dhigay shirweynihii beelaha Somaliland ku soo dhiseen qarankan magaalada Burco sannadkii 1991.
In muddo ahna waxa isa soo tarayay wararka la xidhiidha cidda buuxin doonta ama ku soo bixi doonta Guddoomiyenimada Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Kadib Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi kaasi oo u taagan mansabka Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE doorashada innagu soo foolka leh ee dabayaaqada sannadkan waxaana jira siyaasiyiin door ah oo ka soo jeeda Bariga Burco oo lubbiga ku haya buuxinta mansabkaasi balse odayaashan iyo siyaasiyiinta kulamadii ugu dambeeyey yeelanayay ayaa u arka siyaasiga ugu mudan buuxinta mansabkaasi in uu yahay Wasiirka Madaxtooyada ee wakhtigan Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah xubin firfircoon oo xukuumadda iyo xisbigaba door weyn ku leh kana mid ah raggii soo garab taagnaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa aasaasaha xisbiga KULMIYE tan iyo markii xisbigaasi dhidibada loo taagay. Kulamadan oo ahaa kuwo iskood u abaabulan ayaa ku soo beegmaya wakhti muddo xileedka xukuumadda Somaliland gabaabsi yahay walina aanu si cad arrinkaasi shaaca uga qaadin Wasiir Maxamuud Xaashi Laftiisu balse ay jiraan xogo muujinaya in Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi leeyahay han siyaasadeed oo uu kula wareego Xisbiga KULMIYE hoggaankiisa Kadib Musharrax Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...