Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Fiirsanaysa Talaabadii Ay Ka Qaadi Lahayd Kooxo Dhalinyaro Ah Oo Aad U Hubaysan Oo Isku Hor Fadhiya Deegaanka Ceel Afweyn Oo Ciidamada Qaranku Ku Kala Dhex Jiro.

Date:

Kooxahani Oo Ah Ciidamo Beeleedyo Da’yar U Badan Ayaa Dhegaha Ka Furaystay Baaqa Nabadda Ee Xukuumadda Iyo Goleyaasha Qaranku U Jeediyeen, Waxaanay Degan Yihiin Goob Xeryo Ah
.
Xukuumadda Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay qorshaynaysa nooca ay noqonayso Talaabada ay ka qaadi karto kooxo dhalinyaro ah oo aad u hubaysan oo ka soo kala jeeda Beelaha dirirtu ka dhex aloosan tahay ee Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag,Kuwaasi oo sida la sheegay dhagaha ka furaystay Baaqa X
ukuumadda,iyo Digniinta Ciidanka qaranku u jeediyeen,waxaana ku kala dhex Jira Cutubyo Ciidanka Qaranka ka tirsan.
Warar Xog ogaal ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxay inay Xukuumaddu ku mashquulsan tahay Talaabo adag oo la sheegay inay qaadayso Kooxahaasi dhalinyarta ah oo aad caadifaydaysan islamarkaana qayb ka ah Dagaalka iyo dhiigga soo noqnoqday ee Deegaanka Ceel Afweyn oo todobaadkii hore iska hor imaad uu dhex maray,waxaana sida la sheegay ay arintani ka dhalatay kadib markii uu Doraad Gudoomiyaha Golaha Guurtidu Warbaahinta u sheegay inaanay Golihiisu dhex dhexaadin ka galin Beelaha ku dagaalamaya Deegaankaasi illaa Xaalada Amni ay Xukuumaddu wax ka qabanayso,oo ay dhaamayso sida ay wakhtigan tahay,isagoo sidoo kalena sheegay inay inuu hakiyay Gudi dhex dhexaadin ah oo Golaha ka tirsan oo u soocay inay Waan Nabadgalyo deegaankaasi u tagaan.
Wararkan ayaa intaasi ku daray in Dhalinyartani ay yihiin kuwo aad u hubaysan oo dhaarsan islamarkaana qaab qabiil loo ururiyay,waxaanay sida la sheegay kala degan yihiin goobo aad iskugu dhaw oo kawada tirsan Degmada Ceel Afweyn iyagoo ay kala dhex degan yihiin Ciidamo xoogan oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland. Xogahan ayaa intaasi ku daray inay Dhalinyartani diideen,dhegahana ka furaysteen Digniino Ciidanka Qaranka iyo Xukuumaddu gaadhsiiyeen oo lagu wargaliyay inay Hubka dhigaan islamarkaana ay Deegamadooda kala qabtaan. Xukuumadda ayaa ka cabsi qabta in haddii ay Dhalinyartaasi ka qaado Talaabo dhiig ku daato ay xaalada Deegaankaasi cirka isku sii shareerto,balse sida ay sheegayaan wararkii u dambeeyay,waxa ay Xukuumaddu diyaarinaysaa Talaabo Xanuun badan oo dhalinyartaasi laga qaado,iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in heegan lagaliyay Ciidanka Qaranka,loona diyaariyay fulinta go’aankaasi si loo soo afmeero Colaada soo noqotay ee Deegaanka Ceel Afweyn.
Wararkii ugu dambeeyay ee aanu xalay ka helnay ayaa sheegay inay Jidad badan oo mihiim ahaa oo marin ah Gaadiidka iskaga kala goosha Gobolada Sanaag Iyo Togdheer colaadaasi saamaysay islamarkaana ay xidhmeen,cabsi ka jirta awgeed iyadoo meelaha qaarna laga soo sheegay inay Dhalinyartaasi Hawlgalo ka fuliyeen Jidadkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...