Somaliland: Wasiirkii Hore Ee Boosaha Oo Halka Uu Dalku Marayo Ku Tilmaamay Xaalad Adag

Date:

Wasiirkii hore ee boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal ayaa beelaha wada dega gobalka Awdal ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoomaysa iyaga oo wada jir ah, isla markaasna ay xal u raadiyaan tabashooyinkooda inta ollolaha lagu jiro.

Abgaal ayaa ku tilmaamay shacbigu inuu wakhtigan ku sugan yahay xaalad adag loona baahan yahay  in wax badan lays waydiiyo, waxaanu arimahan kaga hadlay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Boorama, waxaana isaga oo arimaha ka hadlaaya uu yidhi “Guud ahaan qaranku maanta xaalad adag ayuu ku jiraa, dalkeena abaar adag adag ayaa soo martay boqolkiiba shan iyo lixdan xoolihii dalku waa ay dhamaadeen intii hadhay wali suuq wanaagsan oo aynu u haynaa oo ku talagal leh ma jiro, qiimo dhac ayaa ku yimi shilinkeenii danyartii meel xun ayuu gaadhsiiyay, baahidu aad ayay u badantahay duruufo badan oo aanan maanta halkan ka sheegayna waa ay jiraan, iyada oo ay halkaas marayso doorashooyinka iyo dimuqraadiyadii aynu wadnay waxynu u badalnay, baarlamaankii doorasho ka dhici maysee halkaas inoo dhiga, golahii guurtida dib ayaynu u dhignay, golahii deegaanka dib ayaynu u dhiganay, waxa kaliyaata oo aynu nidhi doorasho haloo qabto madaxtooyada oo kaliyaata rajo ayaa taas ka sii muuqatay oo dadku waxbay ka rajaynayaan, iyadana xisbiyadii maanta waxaynu u badalnay beesha reer hebel oo beesha reer hebel cod waydiisanaysa, beesha reer hebel iyo beesha reer hebel ayaa xisbigaas wada leh. Inta aynu tabasho iyo reer Awdal ka hadlayno reer Awdal markaynu ka hadlayno waxa weeye ee Ciise iyo Samaroonba leh markaynu tabasho ka hadlayno reerka dalka degan ee Somalilandta maanta jirta aan waxba ku lahayn waa reerka Ciisaha oo erayada aad maqashaan ee Ciise SNM ayuu ahaa iyo binu hebel binu hebel ayaanu isku nahay waa erayo maalmo gaar ah iyo ujeedooyin gaar ah uun loo isticmaalo  maaha arin dalka ka shaqeeyay, marka la eego dalku maanta sida uu u dhisan yahay reerka Ciise ayaa ka maqan,120 iyo saaid agaasime waaxeed oo wasiiradu magacaabaan hal qof oo Ciise ah kuma jiro, taas macnaheedu waxa weeye reerkaasi dalkana waa degan yahay qarankana kuma jiro oo kama tirsana eryada caynkaas ah ee la isticmaalaana waa kuwo maalmo gaar ah iyo dano gaar ah oo dadka dhulkan degan lagu kala fogeyay,waxaan leeyahay maanta reer Awdal fursad ayaynu haysanaa markaan tabashada ka hadlaayo, fursadaas aynu haysano ragii tagayna yaan lagu canaanan, rag soo socdaana eedaas ma laha haddii aynu maanta wax ka qabsan wayno cid danbe oo aynu ku canaanano iyo cid kale oo aynu wax ka tabanaa yaanay jirin.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...