Somaliland: Kulankii Xalay Madaxtooyada uga bilaabmay beesha Ciise Muuse iyo qoyska madaxweyne Siilaanyo Iyo Axmed Yusuf Yaasiin Oo Xalay Ka Muuqday Madaxtooyada

Date:

Waxa ilaa maanta ku soo qul qulaayay madaxtooyada Somaliland badiba madax dhaqameedka,aqoonyahanka iyo cuqaasha ka soo jeeda galbeedka Saaxil kuwaasi oo looga yeedhay madxtooyada, dadkani ay madaxtooyadu u habar wacatay waxa caawa ay ku xaraysanyihiin oo gorada la is daray xukumadda Axmed Siilaanyo oo ay horkacayaan wasiir Maxamuud Xaashi, Cali Mareexaan iyo Bashe Cawil Morgan oo uu madaxweyne Siilaanyo sodog u yahay, iyo sidoo kale xubno kale oo aad ugu dhow dhow qoyska madaxweyne Siilaanyo.

Kulankii Xalay ka dhacaaya madaxtooyada oo loo diiday in saxaafadu wax ka ogaato ayaa ilo xog ogaal ahi waxa ay u warameen shabakada Qaran-news, waxana ay sheegeen in ay xukumaddu raadisanyso tageero ay ka hesho beesha Ciise Muuse, sidii ay xukumaddu u faasixilahayd dekada Berbera oo dhalisay muran xoogan, arintani ayaa cirka isku sii shareertay ayaamahii u danbeeyay markii ay xukumaddu ku dhawaaqday in ay shirkada DP World ku wareejin doonto dekada Berbera arintaasi oo ay ku jiraan mad madow faro badani oo ay dadka deegaanku u baahdeen in sharaxaad faah faahsan laga bixiyo isla markaasina heshiiska rasmiga ah la soo dhex dhigo golaha wakiilada iyo shicibka reer Somaliland, lagana saaraa waxii dano gaar ah iyo waxii aan dalka iyo gobolka toona dani ugu jirin.

Shirkani caawa ka dhacaaya madaxtooyada ayaa lagu dhex arkay madaxweyne ku xigeenkii hore ee xukumaddii Daahir Rayaale Axmed Yusuf Yaasiin, iyo xubno badan oo deegaankaasi magac ku leh, lamana garan karo waxa halkaasi ka soo bixi doona ilaa hadana gorda ayaa la iskula jiraa.

Waxana warar kale ay sheegayaan in shirkii Baxarasaaf ee ay beesha Ciise Muuse ku dhawaaqday ee ay xukumaddu diidanyd ay ooda ka qaadi doonto oo ay ogolaan doonto in uu qabsoomo, kadib markii shirar kuwaasi la mid ah ay beesha madaxweynahu todobaadkani qabsatay ilaa hadana y qaar kale ku gudo jiraan oo u socdaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...