Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa saddex bilood ka dib xalay xilka wasiirul dawlaha biyaha u magacaabay Cabdi-qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Cabdi-qaadir Dhagaweyne).
Mr. Cabdiqaadir dhegoweyne ayaa saddex bilood ka hor madaxweyne Siilaanyo ku gacan saydhay xilka wasiir-xigeenka kalluumaysiga oo uu saddex bilood ka hor goor habeenimo ah u magacaabay, isagoo madaxweynuhu markii dambe aqbalay ka cudur daarashadaas hore. Haddaba Wasiirul dawlahan cusub ayuu xalay Geeska Afrika weydiiyay sida uu u arko xilkan, waxaanu isagoo ku sugan dalka Ingiriiska xaqiijiyay inuu xilkaas aqbalay, “Waan la socdaa xilka la ii magacaabay, waanan aqbalay waanan u mahadcelinayaa madaxweynaha.” ayuu yidhi wasiirul dawlahan cusubi.
Jagadan wasiirul dawlaha biyaha waxa uu madaxweyne Siilaanyo isla xalay ka wareejiyay wasiirul dawlihii hore Mahdi Cismaan Buuri oo isna loo magacaabay wasiirul dawlaha kalluumaysiga. Warsaxaafadeed madaxtooyadu soo saartay ayaa u qornaa sidan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4933/072017 uu ku magacaabay laba wasiiru-dawle.
MADAXWEYNUHU:
Markuu
Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu
Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiiru-Dawlayaasha Wasaaraddaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Iyo Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka
Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel hore Wasiirudawlaha Biyaha)
2. In Mudane, Cabdi-qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Cabdi-qaadir Dhagaweyne), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.”