“Waxaa La Ii Keenay Inaan Xisbiga U Ololeeyo, Waana Layga Maarmi Waayay Wakhtigan” Wasiirka cusub ee xidhiidhka golayaasha, cilmi-baadhista iyo tiknoolajiyadda
Wasiirka cusub ee wasaaradda xidhiidhka golayaasha , cilmibaadhista, iyo tiknoolajiyadda Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa ka hadlay sababta ay xukuumadda Siilaanyo wakhtigan xilka ugu magacawday.
Wasiirkan oo lagu bedelay Cali Xaamud Jibriil ayaa sheegay in looga maarmi waayay ololaha xisbiga KULMIYE waxaana uu sheegay inuu tuurta ku qaadi doono murashaxa madaxwayne ee KULMIYE ee xisbiga KULMIYE iyo kuxigeenkiisa, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“waxa aynu ku jirnaa wakhti doorasho lagalayo oo olole badana loo baahan yahay,waxaanan leeyahay xilka lay magacaabay waxa ay ujeedkiisu tahay inaan xoojiyo xisbiga kulmiye laygana maarmi waayay ayaan u arkaa wakhtigan”
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in loo magacaabay ololaha xisbiga, waxaana uu sidoo kale ka hadlay dagaalkii afka ahaa ee qadhaadhaa ee dhexmaray wakhtigii ay ku kala jireen UDUB iyo KULMIYE oo uu Axmed Xaaji Daahir ahaa wasiirka warfaafinta, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“hawsha aniga halkan lay keenay waxa weeyaan kaambaynka ama ololaha xisbiga kulmiye,aniga iyo siilaanyahana haday waxa nasoo kala gadheen raganimadda ayay ku jirtaa in ay ragu wax isku qabtaan waxana kala goosan karaan oo waan ugu mahad naqaynaa oo kolay laba xisbi ayaanu markii hore kala hayn”.
Geesta kale taariikhda ayaa u muuqata mid dib isku celinaysa, waxaana la xasuustaa inuu Axmed Xaaji Daahir ahaa shakhsigii marwada madaxwaynaha ee haatan Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde u diiday shaqadii ay ka heshay hay’adda UNDP-ada sidoo kale waxaa lagu xasuustaa dagaalkii qadhaadhaa ee u dhexeeyay isaga iyo guddoomiyihii KULMIYE Axmed Siilaanyo, kaasoo sababay inuu wasaaraaddii warfaafinta ka caydhiyo hablo ka soo jeeda gobolka Togdheer gaar ahaan Bariga Burco.