Somaliland: “Midawga Yurub Wuu U Han-weyn Yahay In Uu Taageero Wada-hadal Dhab Ah Ee Somaliland Iyo Soomaaliya” Danjiraha Midawga Yurub ee Soomaaliya.

Date:

Wakiilka EU-da u qaabilsan Soomaaliya Danjire Veronique Lorenzo‏ ayaa ka hadashay xilka loo magacaabay Dr Edna Aadan Ismaaciil oo uu madaxwayne Siilaanyo u magacaabay ergayga gaarka ah ee wadahadalka Somaliland iyo Somalia.

Sidoo kale Wakiilka Midawga yurub ayaa sheegtay inay taageerayaan wadahalada Somaliland iyo Somalia haddii ay dhab ka yihiin labada dhinaca, Danjire Veronique Lorenzo ayaa sidaas sheegtay iyadoo Hargeysa ku sugan kana qaybgalaysa bandhiga buugaagta ee ka socda xarunta dhaqanka ee Hargeysa, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa:

“Hambalyo Adna Aadan, waa wax weyn in aan maqlo inaad hoggaaminayso wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, Midawga Yurub ee Soomaaliya wuu u han-wayn yahay in uu taageero wada hadal dhab ah ee Somaliland iyo Somali.” waxa sidaas tidhi wakiilka EU-da u qaabilsan Soomaaliya Danjire Veronique Lorenzo‏.

Inkastoo ay dadka qaar u arkaan in Maro Edna Aadan xilkan loo magacaabay wakhti aan haboonayn ayaa hadana waxaa rajo laga qabaa inay khibradeeda uga faa’iidayso qaranka, iyadoo taariikhda Somaliland aqoon buuxda u leh.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...