Somaliland: Xisbiga Waddani Oo Qaabilay Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Bariga Sanaag

Date:

Xisbiga Waddani ayaa Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay waxa uu ku qaabilay siyaasiyiin, wax-garad, aqoonyahan iyo taageerayaal baaxad weyn oo ka soo jeeda beelaha Warsan-geli ee dega deegaanada gobalka Sanaag.

Xafladdan, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, hoggaamiyaha xisbiga, xoghayaha guud, qaar ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo taageerayaal aad u tira badan.

Munaasibadaas oo khudbado kala duwan ay ka soo jeediyeen Masuuliyiintii xisbiga Waddani, Siyaasiyiintii iyo Taageerayaashi ku soo biiray xisbiga Waddani ayaa waxa halkaasi ugu horayn khudbad qiimo leh ka soo jeediyey Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Ciro, waxaanu ku bilaabay hadalkiisa oo uu yidhi “Salaadiinta, Boqorada Iyo Madaxda dhaqanka, masuuliyiinta xisbiga iyo taageerayaashooda, haldoorka gobolka Sanaag ka soo jeeda ee ku soo biiray xisbiga Waddani. Marka hore aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga waxaan halkan ku soo dhaweynayaa siyaasiyiinta, dhalinyarada, qurbajoogta iyo haweenka, cududooda halkan ku muujiyey ee ka soo jeeda Beesa Warsangali ee maanta xisbiga ku soo biiray waxaan leeyahay ku soo dhawaada xisbiga Waddani oo ah xisbi aan la idinka lahayn oo kuwa aad ugu timaadeen aanay idinka lahayn oo aad u siman tihiin, xisbi doonaya oo himiladiisu tahay inaan barina jirin galbeedna jirin laakiin Somaliland oo mid ahi jirto, waxaan idin leeyahay walaalayaal ku soo dhawaada waxaad ku soo biirin doontaan cudidiina, caqligiina, waayo aragnimadiina, waxa ku jira siyaasiyiin iyo hablo in badan ka tirsanaa xisbiga Kulmiye, taariikhda odayaashii iga mudnaa ayaa halkan ka sheekeeyey, beeshani waxa ka soo jeeda boqortooyada ama saldanada ugu faca weyn dadka afsoomaaliga ku hadla iyo Somalilandba, boqortooyadaasi ama saldanadaasi waxa ay ku suntanayd gumaysi diid iyo nabad waayo dhulkaa ay degaan beeshani inta badan colaado kama dhacaan waa laga yaaabaa qaybo kale oo Somaliland ka mid ah inaynu maqalno laba beelood baa isku dilay” ayuu yidhi Murax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo halkaasi ka hadlay.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay hogaamiyuhu oo uu yidhi “Waxaan soo dhaweynayaa sidii odayaashii halkan iga horeeyeyba ay yidhaahdeen beesha muga, miisaanka iyo xadaaradaba lagu yaqaano oo ah runtii beelaha Somaliland ugu muhiimsan ee ugu dheer taariikhda iyo xadaarada marka laga hadlayo aad iyo aad baan usoo dhaweynayaa inaad cududa isla kaaya barbar taagtaan oo aad wadani timaadaan oo aad ku soo dhamaataan aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay oo aanu idiin soo dhaweynaynaa.

Maalinba mawjad weyn ayaa imanaya oo mawjada maanta joogtaa ay ka mid tahay, Kulmiyena waxa uu kaga jawaabaa sidaan hore u tilmaamay inuu laba qof lacag siiyo oo aan ku tilmaamo (buul hunguriga siyaasada) maalin hore, Buul hunguriyada meelahaa laga sameeyee ay dadka masaakiintu wax ku doonaan, waa buul hunguri siyaasadeedoo laba qof inta lacag la siiyo ayaa la yidhaa Waddani ayaanu ka baxnay, waxay taa kaga jawaabaan mawjadahaa waaweyn ee is-riixaya ayay taa kaga jawaabaan, waxaan leeyahay dadka halkan fadhiya Kulmiye wuu idinka buuxaa Wadadani-se wuu idiin baahan yahay, waa banaan yahayoo Somaliland oo dhan wuu qaadi karayaa, Somaliland oo dhan inuu isku keeno ayuu doonayaa, Qaranimo laba darab iyo saddex daraf aan ka koobnayn ayuu doonayaa, mid aad gunta ugu jirtaan oo baarka ka joogtaan oo barbarka aad ka joogtaan ayuu doonayaa, aadbaanu idiin soo dhaweynaynaaye soo dhawaada.

Qolada Kulmiye hore sidii uu u tilmaamay gudoomiyuhu dee waa isku badal qof qof lagu badalayo inkastoo aanay iyagaba (Kulmiye) u cadayn waxa ay badalayaan, waayo golihii wuu fadhiyaanoo, xubnihii way fadhiyaanoo tolow kuweebaa la badalayaa waa qof qof ku badal uun ilayn wax badalku waxa weeyi qof meel ka kiciyoo qof kale ku badale, laakiinse Waddani waxa uu wadaa isbedel, ilaahayna ha inooga dhigo isbadal khayr qaba.” Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...