Ciidammada Booliiska ee Degmada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa hawl-gallo ay sameeyeen Dhowrkii habeen ee u dambeeyay waxay ku soo qab-qabteen illaa 18 Qof oo la sheegay inay yihiin Tuugo Caan ka ah Magaalada Berbera.
Hawl-galka Ciidammada Booliisku ku soo qab-qabteen Raggan Tuugada ku caan baxay, ayaa Ciidanku sameeyay ka dib, markii Xilli ay Magaalada Berbera ka dhaceen falal habeebkii lagu baadhanayo Gaadiidka yaryar ee Dadka lihi ku xeraystaan Guryahooda.
Raggan Tuugta ah ee Baabuurta Baadhanaya Habeenkii, ayaa la sheegay inay adeegsanayaan Farsamo layaab leh, taasi oo ah intay Dhagax ku duubaan maro inay Muraayadda Hore ee Gaadhi ku jebinayaan, si aan shanqadha loo maqal, markaasi ka dibna ay halkaa ka furayaan Gaadhiga isla-markaana baadhayaan.
Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Saaxil Aadan Axmed Cawaale oo Arrintan la waydiiyey ayaa yidhi “Tuugadani waa Tuugo aan hore Magaalada loogu arki jirin. Dhagax ayaa maro lagu duubayaa, dabadeedna Gaadhiga waxa laga jebinayaa Muraayadda hore.”
Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay “Baabuurta ay jebinayaan maaha kuwa Dibadda Guriga yaalla, ee waa kuwa Ganjeelka ku jira, markaa Shalay Hawl-gal baanu samaynay waxaanu soo xidhnay 18 Tuug oo caan ah. Intii aanu Raggaa soo xidhnay ma jirto Cid noo timid oo tidhi Gaadhi baa la iga jebiyey ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Hawl-galkii wuu socdaa, wixii naga dhiman waanu dhamaystiraynaa.”