Somaliland: Guddiga Daba-galka Hantida Qaranka Oo Wada Qorshe Ay Ku Diwaangelinayaan Hantida Ay Haystaan Musharraxiinta Xisbiyadu, Ka Hor Doorashada

Date:

Guddiga ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inay Doonayaan in la diwaangeliyo Hantida ay haystaan Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeennada ee Xisbiyada ugu tartamaya Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay Dalka ka dhacdo daba-yaaqada Sannadkan.

Sidaana waxaa shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Shalay Telefiishanka Kalsan kula haday Magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ugu horeyn ka hadlaya Qorsheyaashooda la xidhiidha ilaalinta Hantida Qaranka Muddada kala-guurka ee Doorashada ka hadhay ayaa yidhi “Waxaanu Wasaaradda Maaliyadda Madaxdeeda ka wada hadlaynaa sidii Saddexda bilood ee soo socda loo ilaalin lahaa Hantida Qaranka, taasi oo ay kow ka tahay inaan la iibin Muddadaa wax Hanti Qaran ah. Waxaanu doonaynaa Qorshe Cad oo meel yaalla oo lagu ilaalinayo Hantida Qaranka Saddexda bilood ee soo socda, si aan loogu Takri-falin muddada kala-guurka ah ee soo socota.”

Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada oo la waydiiyey inay qorshaha ugu jirto inay Diwaangelinta Hantida Musharraxiinta Xisbiyada Qaranka uga qayb-galaya Doorashada Madaxtooyada, ayaa ku jawaabay “Arrintaa waxaanu laba jeer iska aragnay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, si wanaagsana waanu iskugu afgaranay in Doorashadani ka duwanaato Labadii Doorasho ee hore Somaliland uga dhacay, waxaanu doonaynaa in la diwaangeliyo Hantida Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee Somaliland, taana waxa si cad u caddaynaya Qodobka 82-aad, farqaddiisa 9-aad, markaa maaha waxa Guddigu wadato ama Dan-gaar ah laga leeyahay. Markaa Qodobkaasi waa mid aad u wanaagsan waxayna horseedaysaa in Musuqmaasuqa laga hor-tago, markaa taasi ayaa toosinaysa Qaranka Mustaqbalka, marka ogyahay Hantida uu Madaxweynuhu la soo galay Qasriga Madaxtooyada iyo wuxuu kala baxay.”ayuu yidhi

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...