Somaliland: Muhanad Oo Ka Hadlay Joojinta Xoolaha Iyo Sahanka Ah In Suuq Laga Heli Karo UAE

Date:

Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in dalka Imaaraadka Carabtu uu ogolaaday inay Somaliland ka iibsato xoolaha nool iyada oo si toos ah loo gaynaayo suuqyada xoolaha ee Imaaraadka.

Waxa uu wasiirku sida oo kale ka hadlay xoolaha Somaliland ee Sucuudigu uu haatan fasaxay iyo dhibaatada ka soo gaadhay Somaliland in xoolahaas la joojiyo, Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa arimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay tilifishanka Saab, waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Xoolaha nooli waa laf-dhabarta dhaqaaleheena xoolo badan oo aan Somaliland laga lahayn ayaa iyaguna soo mara oo ka dhoofa, waa wax kaliyaata ee aynu dunida u iibgayno saddex milyan iyo badh ayaa sanadkii ka dhoofa, boqol iyo kontan milyan oo dollar ayaa dunida inaga soo gala oo lacag adag ah, adduunkuna waxa uu ku xisaabtamaa lacagta adag ee dalkaas soo gashay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu wasiirku yidhi “Dhaawac weyn ayay qaranka ku ahayd in xoolihii noolaa laynaga joojiyay, waxa kale oo dhaawac weyn ahaa abaarihii oo inagu soo noqnoqday, abaaruhu waxay ina heli jireen tobankii sano mar laakiin maanta waxay marayaan laba laba sano, abaarta iyo xoolaha la joojiyay may ahayn siyaasad xumo ay xukuumada Axmed Siilaanyo keentay waa qadar ilaahay, waxa wax weyn ahayd inaan kala dabaalanay umadda waxii ka soo baxay oo aanu qarankaniba dagin oo aynu maanta doonteena dibada u baraxnay,waxa laga ayaabaa in aan dad badan arintaas dareensanayn. Dawlada Sucuudiga waxyaabaha aanu u taageeraynay ayay ka mid ahayd, waa dalka kaliyaata ee aynu wax u dhoofino oo dantii umadaa ku xidhan, waraaq ayuu u qoray madaxweynuhu boqorka (Sucuudiga ) cabasho ah oo arimahaas kaga hadlaayo, dawlada Imaaraadka waanu u qornay, hadda waxaanu warkeeda haynaa in xoolihii la furaayo oo niman wafti ahina iman doonaan, xoolahana laga dhoofin doono dekeda Berbera, waxa kale oo dawlada Imaaraadku ay inoo sheegtay in xoolo aanu halkan ka dhoofino oo dalkooda aanu toos u gayno, inkasta oo aanu xaj lahayn waxa ku nool bulsho faro badan waa talaabo hor leh oo yididiilo leh oo qarankan u wanaagsan xiligan aynu u baahanahay lacag adag iyo nolasheenii oo is xidha.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...