Somaliland: Madax-dhaqameed Iyo Siyaasiyiin Reer Khaatumo Ah Oo Dawladda Soomaaliya Ka Codsaday Inay Sugto Amniga Shir Lid Ku Ah Somaliland Oo La Qorsheeyay In Buuhoodle Lagu Qabto

Date:

Isimo & Siyaasiyiin Beelaha Dhulbahante Ah Oo Shir Uga Socday Muqdisho Ka Soo Saaray War-murtiyeed Amni-xumo U Soo Jeediya Dadka Ay Mattalayeen

 Dhowr Iyo Toban Qodob oo laga soo saaray Shir Isimada Iyo Siyaasiyiin Dhulbahante Ah uga socday Magaalada Muqdisho, markii Shalay La soo gunaanaday

Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka mid ah Beelaha Gobolka Sool oo 13-kii illaa 16-kii bishan uu Shir uga socday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, ayaa Shalay soo gebogabeeyay Shirkaasi, kana soo saaray War-murtiyeed lagu soo ururiyey waxyaabihii ka soo baxay Shirkaasi.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen Xubno uu ka mid yahay Madaxweyne ku-xigeenka Khaatumo iyo Madax-dhaqameed ka soo horjeeda Wada-hadallada Kooxda Khaatumo kula jirto Dawladda Somaliland, ayaa laga soo saaray Qodobbo Xaasaasi ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in la dhiso waxay ugu yeedheen Maamul-gobolleed ay ictiraafsan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamkuba, halka Madax-dhaqameedka ka qayb-galay Shirkaasi ay hadallo ay halkaa ka jeediyeen ay ku doodeen in aanay ogolaanayn waxaan Midnimada Soomaaliya ahayn.

War-murtiyeedka laga soo Saaray Shirkaasi oo uu akhriyey mid ka mid ah Dadkii Shirka ka qayb-galay ayaa waxa Qodobbadiisa ka mid ah:- “Kulankan waxa ka soo qayb-galay Isimada Beesha, Xildhibaannada Golaha Shacabka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Madaxweyne ku-xigeenka Khaatumo, Madaxweynihii hore ee Khaatumo, Guddoomiyaha iyo Golaha Guurtida ee Khaatumo, Siyaasiyiin, Dhallinyaro, Waxgarad iyo Haween. Shirkan waxa Diiradda lagu saaray Shirweynaha Buuhoodle ee loo ballansan yahay iyo Shirka lala yeelan doono Madaxda sare ee Dawladda Soomaaliya. Ka dib markii Ergadu Dood iyo Is-calool xaadhasho badan sameeyeen waxa Shirku Go’aamiyey Arrimahan soo socda.

In la wada taageero oo si baaxadle looga wada shaqeeyo Midnimada iyo Wada-jirka Beel-weynta Khaatumo iyo Midnimada Soomaaliyeed.

In si xoog leh loo taageero isku tashiga Beesha iyo Aayo ka talinteeda

In si wada jir ah loogu istaago dib u heshiisiin ballaadhan oo ka dhacda Beesha Gudaheeda, si Midnimadu u noqoto mid waarta.

Shirka Buuhoodle ee Isimadu ku dhawaaqeen wuxuu Shirku u muujiyey Ayidaad iyo taageero Xoog leh, waxaanu ku nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay Qaban-qaabo muuqata oo hor-dhac ah, wuxuu shirku si gaar ah u tilmaamay Xagga amniga iyo dhaqaalaha, waxayna muujiyeen u dedaalistooda.

Waxa Shirku isku wada raacay in Guddi qaban-qaabo oo Qaban-qaabisa Shirka si deg-deg ah loo Magacaabo, taasi oo fududeyn doonta hawlaha ballaadhan ee loo baahan yahay Diyaarintooda.

Shirku wuxuu isku raacay in Beel-weynta Khaatumo, xattaa haddii ay Siyaasiyan kala duwan yihiin oo ay Maamullo kala duwan ku jiraan in lagu marti-qaado Shirka, si Talo midaysan oo Dani ugu jirto Beesha iyo Deegaannada SCC loo gaadho.

Wuxuu Shirku Go’aansaday in Shirweynaha lo isticmaalo Is-cafis, is tuxaan-bixinta iyo Go’aaminta kama dambaysta ah ee mustaqbalka lagu jihaynayo.

Waxa Shirku taageero mug leh u muujiyey talo isku tashi ku sallaysan iyo xaqa ay Beel-weynta Khaatumo u leeyihiin Aayo ka talintooda Dawlad Gobolleed la aqoonsan yahay oo ka mid noqota Dawlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Wuxuu Shirku soo dhaweeyay, Isla-markaana Ayiday Talada ah in taageero loo raadiyo Maamul-gobolleed la aqoonsan yahay

Wuxuu Shirku baaq u soo jeediyey Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawlad Gobolleedyada Xubnaha ka ah iyo Beesha Caalamka in Beel-weynta Khaatumo ay sugayso ka midho-dhalin ku saabsan Aqoonsiga Dawlad-gobolleedkooda.

Waxa Shirku isku raacay in Dawladda Federaalka Soomaaliya looga raadiyo deegaannada SCC waxay xaqa u lahaayeen, Xagga Mashaariicda Horumarinta, Mucaawimada Dadka tabbaalaysan ee Abaartu baro-kicisay iyo ka taageeridda Xagga Amniga.”

Shirkan ay ka soo baxeen qodobbada lidka ku ah Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii uu Muqdisho ka furmay waxa cambaareeyay isla-markaana ka hor-yimid Madaxda Kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh.

Shirka ay sheegeen in Buuhoodle lagu qabanayo oo kooxda Khaatumo hore u sheegtay in iyaga lagu mijo-xaabinayo, ayaan la ogayn waxay Dawladda Somaliland ka yeeli doonto, maaddaama oo uu yahay Shir lid ku ah Qarannimada Somaliland isla-markaana ay abaabuleen Dad taageero ka helaya Xukuumadda Farmaajo ee Soomaaliya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...