Somaliland: Astaamaha Guusha Iyo Kuwa Guul-darada Ee Xilliyadda Doorashadda

Date:

Hormada labaad ee Taxanaheenan waxay kusoo qaadan doonaa tusmo kale oo aynu kaga hadlayno Siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka Siyaasadda Magaca ku leh, hase-yeeshee qurjigoodu u qaaliban yahay guusha, qaarkoodna lagu xidhiidhiyo guuldarada, kolka bulshaddu wax ku faaqidayan goobaha lagu kulmo.

Haddaba, xubnaha lagu xanto guusha iyo Guuldarada ee xilligan Saxadda Xisbiyadda lollamaya nagida ku ah, siiba kuwa lagu tiriyo inanay Guusha la bili ahayn, weliba-na af-xumo godob u reebta sahayda kasii dhigtaa,  waxa kamid ah, Wasiirku-xigeenka qorsheynta Md. Axmed Aadan Ismaacil (Axmed Kayse) oo isaggu xilligii Xukuumadii Riyaale xilal kasoo qabtay, xisbigii UDUB-na xubin firfircoon ka ahaa. Hase-yeeshee xilliyadii u dambeeyey Xukuumadii Riyaale sabab u noqday inuu Cod badan ka lummiyo Xukuumadii iyo Xisbigii uu ka tirsanaa ee UDUB, kaddib markii uu Waraysi uu xliiyada bixiyey sida Mucaaridku u fasiray inuu sheegay in Gudoomiyaha Kulmiye oo ahaa xilliga Axmed inaanu dalka soo geli Karin, hadii aanu cafis ka dalban Xukuumadda Riyaale. Axmed Siilaanyo oo ahaa Gudoomiyaha Kulmiye xiligga waxa uu ku sugnaa dalka Maraynkanka, halkaasoo uu kaga qaybgalay Shir uu soo qaban-qaabiyey “senator Donald bay, Nin-kaasoo ahaa dadka u Ololleeya arrimaha midnimada Somaliya.

Waxa kaloo xusid mudan kana mid ah Maanta  xubnaha aadka u firfircoon qalabka Warbaahinta aan ka bixin, hase-ahaatee wanaag iyo waxtar midkii uu sameeyaba uu udhacayo xagga daamabaca Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Amb Cabdifatax Siciid Axmed. Md. Cabdifatax oo xilligii Xukuumada Riyaale mar ahaa Safiirka Somaliland ee dalka Erland, xilliyada Cabdifatax iyadoon bulshaddu aqoon badan u lahayn, haddana waxa uu ahaa dadka ugu doodaha adag marka lasoo qaado Xisbiga Kulmiye, si gaar ah isagga waxa loogu xasuustaa Waraysiyo iyo doodo adag   oo u ku durayo Xukuumadda Kulmiye markii ay tallada dalka la wareegtay, waxyaabaha uu sida gaarka ah uga ugu dhaliili jiray Xukuumadda Siilaanyo waxa kamid ah, eeddo sheegaya Madaxweyne Siilaanyo inaanu dalka ka talin, isla markana awooddii Madaxtimada dalka u gacan-gashay dumar iyo caruur.

Hase-yeeshee, Amb. Cabdifatax halkaa kummu adkaysan waxanu mudo dabadeed u booday dhinaca  Xukuumada, gaar ahaan Madaxtooyadii uu dhaliili jiray, waxanu ka hor intii aan xil loo magacaabin bilaabay waraysiyo uu ku diffaacayo qoyska madaxtooyadda, siiba Wiilka Madaxweynuhuu sodogga u yahay, isaggo la hadlaya Mulkiilaha Wargeyska Haatut Midai Group Yusuuf Cabdi Gaboobe, waxa hadalladiisii kamid ahaa “.. Amb. Baashe Cawil Ilahay-baa Nasiib u siiyey In Siilaanyo sodog u noqdo”.

Geesta kale, Siyaasiyiinta burjigoodu guusha u qaaliban yahay waxa kamid ah, Siyaasi Ismaacil Aadan Cisman (Ismaacil yare) waxa lagu majiirta inuu yahay Siyaasiyiinta halka adag mab’da uu kolba aaminsan yahayna ku kalsoon, weliba si gaar ah Md. Ismaacil waxa lagu xasuustaa Doorashadii aqalka Madaxtooyadda ee 2003-dii  ee ay ku tartamaayeen Madaxweynihii waqtiga Md. Daahir Riyaale iyo Madaxweynaha hadda Md. Axmed Siilaanyo, waqtigaa Md. Ismaacil waxa uu ahaa Wasiirka arrimaha gudaha, sidoo kalena isagga iyo Mujaahid Cabdilahi Xuseen iiman (Cabdilahi Dareewal) waxa ay noqdeen Ilahay ka sekow dadkii lahaa Guushii UDUB ka gaashay Doorashada.La soco Cadadka Dambe.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...