Laanta Afka Soomaaliga ee BBC Iyo Xuska Sannaad-guuradda Lixdanaad

Date:

Berri oo ah Maalin Salaasa ah, Taarikhduna tahay 18-ka July 2017-ka waxay ku buuxda lixdan Sanaadood markii u horraysay Taarikhda ee ay hawada gasho baahinta Laanta Afka Soomaliga ee Idaacadda BBC-da, oo ku begnayd 18-kii July 1957-kii.

Idaacadda BBC-da oo ka kooban Laamo tiro badan oo lagaga hadlo luuqado kala duwan oo ay leeyihiin Umaddo badan oo ku dhaqan dunida Korkeeda, waxa laanta Afka Soomaliga ee BBC-du ku jirtaa safka hore Luuqadihii ugu horreeyey ee baahintoodu ka baxdo Idaacadda BBC-da.

Inkastoo xilliga Idaacadda laanta afka Soomaliga ee BBC-da la bilaabay aanu jirin luuqad af Soomali ah oo qorani, haddana Wariyaashii Soomaaliyeed ee xilligaa ka hawlgalay waxay ku guuleysteen inay baahinta Idaacadda galan iyaggoo is waafajinaya Warka ay tabinayaan oo ku qoran Luuqada Ingiriisada iyo baahinta ama gudbinta oo ku baxaysay af Soomali, taasi waxay ina tusaysaa kartida Wariyaashii Soomaliyeed ee wakhtigaa ay lahaayeen intaa ay le’ekayd, taasoo la micno ah inay Indhaha ku hayeen qoraal Af Ingiriisi ku qoran, Maskaxdooduna bedelaysay ama turjumaysay dhawaaqa afka usoo gudbayeynaa uu ahaa Soomali.

Haddaba, Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaliga oo mudadii ay jirtay ay kasoo shaqeeyeen Wariyaal tiro badan oo Somaali ah, waxa kaloo ay door weyn ka qaadatay kobcinta iyo erey bixinta afka Soomaliga,taasoo kamid ah arrimaha aad loo xusay Sannaadka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...