Somaliland: Dawladda Somaliland Oo Sheegtay Inay ISHA Ku Hayso Farmaajo Oo Garoowe U Imanaya Qorshe Uu Ciidammo Kaga Qoranayo Bariga Gobolka Sanaag

Date:

Xukuumaddu waxay sheegtay in Farmaajo qaadayo Masuuliyadda Cawaaqibka ka dhasha Faro-gelinta uu ku samaynayo deegaannada bariga ee Somaliland

Dawladda Somaliland, ayaa sheegtay inay isha ku hayso dhaqdhaqaaqyo Faro-gelin ah oo Dawladda Federaalka Soomaaliya ka waddo Gobollada Sanaag-bari, Buuhoodle iyo Sool.

Dawladda Somaliland waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Wefti uu Hoggaaminayaa ku soo waajahan yihiin Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-gobolleedka Puntland, isagoo qorshihiisa yahay inuu Garoowe ka ururiyo Odayaal iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda Bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland, si ay Odayaashaasi halkaa uga soo qoraan Ciidammo lagu daro Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya, taasina ay tahay faro-gelin ay Dawladda Farmaajo ula badheedhayso Somaliland.

Sidaana waxa sheegay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland Axmed Muxumed Nuur oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed ka wadaan Gobollada Sool iyo Sanaag. Waad ogtihiin Somaliland waa Dawlad Caalamka oo dhami ogyahay, inkasta oo aanu Ictiraaf weyni jirin, haddana caalamku wuu la socdaa Xagga Nabadgalyada Somaliland.”

Wasiiru-Dawluhu wuxuu sheegay in Dawladda Somaliland ay Puntland ka Tacsiyadaysay khasaare ka soo gaadhay dagaal ay Ciidammadoodu la galeen kuwa Al-shabaab, taas Macnaheedu tahay inay garab taagan tahay in Nabadgalyo-darrada laga hor-tago, laakiin Puntland soo qayb ka tahay qorshaha Farmaajo uu Ciidammada kaga qoranayo Sanaag-bari, “Gobolka Sanaag-bari waad ogaydeen dhibaato ayaa ka dhacday, Dawladduna waatii Tacsi uga dirtay halkan, Annaga ka Tacsiyadaynay Dadkii halkaa ku geeriyooday oo aanu Badankooda garanayno iyo Ciidammadii Puntland-ba, laakiin Annaga oo sidaa ugu Tacsiyadeynayno waxa Magaalada Garoowe ee Puntland ku soo waajahan Maxaxweynaha Federaalka, taasina waxay tusaalaynaysaa sida Wararka Xog-ogaalka ahi nagu soo gaadhayaan inay doonayaan Gobollada Sanaag-bari, Sool iyo Buuhoodle-ba ay faro-gelin badan ku sameeyaan, iyagoo Dadka ka dhaadhicinaya Ciidamo Federaalka laga qaado Gobolladaa oo la geeyo Xamar. Taasina waa Faro-gelin Toos ah, Somaliland-na indhaha kama qarsanayso, oo Somaliland ka jeedsan mayso Cidda faro-gelin ku samaysa illaa Lowyacddo, Ciidammadeedana waalla ogyahay (Somaliland), Madaxweynuhuna hore ayuu Warbaahinta ugala hadlay in Soomaaliya arrimahaa joojiso oo ay faraha kala baxdo Somaliland.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Madaxweynihii Soomaaliya waxa loo bannaynayaa Huteellada waaweyn ee Garoowe oo uu ku soo tagayo, inay ka wadaan faro-gelin toos ah oo ay doonayaan inay Cuqaal iyo Ciidammo faro badan ka ururiyaan Sanaag-bari oo ay Xamar geeyaan.”

Wasiiru-dawluhu wuxuu digniin u diray Dawladda Federaalka Soomaaliya, “Farriin baanu u diraynaa oo waxaanu leenahay Dad walaalo ah ayaynu nahay, Xuduud baynu wada leenahay ee yaan la isku soo xad-gudbin, wixii halkaa ka dhacana Cidda ka masuulka ahi waa Dawladda Federaalka Soomaaliya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Arrimaha ka socda Sanaag-bari, Sool iyo Buuhoodle ay isha ku hayaan Madaxweynaha iyo Wasiirrada Somaliland, “Wasiirrada iyo Madaxweynuhuba indho-dheer baanu ku haynaa Tallaabo kasta oo laga qaadayo Gobolladaa oo waanu la soconaa, Waayo? Dadku waa Dad Reer Somaliland ah oo wax nagaga Qarsooni ma jiraan..”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...