Hooyo Somaliyed Oo Mindi Lala Dhacay Oo Ku Noolayad Magaalada Oslo

Date:

Hooyo Somaliyed oo ku nool magaaladda Oslo ee dalka Norway, ayaa saaka laba nin oo Noorweji ahi mindi la dhaceen.
Waxaana dhaawaceedii loola cararay xarunta gargaarka degdega ah ee magaalada Oslo.
Haweeneyda Mindida lala dhacay oo aanu kula kulanay goobta lagu daweynayey ayaa xaaladeedu sahlaneyd, Waxase ay noo sheegtay in afar Mindiyood ku dhaceen. Hooyadan oo magaceeda la yidhaahdo Safiyo Ciise ayaa iyada oo ka warameysa sida wax u dhaceen waxay tidhi
“Anniga oo kow iyo tobankii barqanimo fadhiya kaabada gurigayga kuna foorara taleefankayga gacanta, ayaa waxa isoo duljoogsaday labadan nin. Haddii aan sare u eegay mid kamida ayaa igu yidhi erayo muuqaalkeyga iyo diintayda uu ku caayayey kii kalena gacanta ayuu mindi iga geliyey oo haddana mid labaad igu dhuftay. Waan istaagay oo haddana kii kalaa qoorta gacanta igaga qabtay oo intu gidaarka dib iigu riixay igu ceejiyey. Annigu markaas waxan bilaabay in aan iska difaaco oo iska furfuro gacmihiisan uu igu ceejiyey, ayaa kii kale Mindi saddexaad igaga dhuftay gacantii aan iskaga furfurayey. Kadib waxan sare ugu qayliyey Help! Help! Help!. Markaas ayaa waxa qayladeydii maqlay oo soo cararay nin meel naga durugsan joogay, kii i ceejinayey ayaan gacan ka qaniinay. Kadibna intu isii daayey ayuu cararay, kii kale ayaa intu mindidii igu sii dhuftay isna ka daba cararay. Dabadeed waxa isoo gaadhay ninkii iisoo gurmaday, isaga ayaana booliska u wacay ayey hooyadaasi hadalkeedii kusoo gabogabeysay.”
Dhanka kale, dhacdadani waxay u dambeysay falal isdaba joog ahaa oo waxyeelo loogu gaysaneyo dadka muslimiinta ah ee usoo haajiray wadamadan reer galbeedka, taas oo dhawr maalmood kahor magaaladda London uu Nin gaadhi jiidhsiiyey dad muslimiin ah oo kasoo dareeray salaaddii Taraawiixda. Halkaasna uu ku dilay qof, 11 qof oo kalena uu ku dhaawacay. Waxa iyana dhacdadan muslim naceybka ah dalka Mareykanka loogu dilay gabadh yar oo Todoba iyo Toban jir ah.
Weeraradan lala beegsanayo dadka muslimiinta ah ayaa wadnaha farta lagaga hayaa in ay faraha ka baxaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...