Cajiib: Suuqyada Burtinle oo lacago Faalso ah la soo galiyay iyo Mudaharaad looga Horjeedo arintas oo dhowr qof Dhaawacay

Date:

Dibad baxan oo ahaa mid xoogan , isla markaana looga soo horjeeday sicirka sarifka degmada Burtinle ayaa dhaawacay dhowr qof oo shacab ah ,kuwaasi  oo carro xoogan kala hortagay qaar kamid ah ganacsatada degmada.

100 Dollar ayaa maanta degmada Burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland lagu kala sarifanayay qiima gaaraya afar milyan oo shilinka Somaliga ah ,taasi oo sababtay in maciishad-dii magaalada ay cirka isku shareerto , isla markaana dibad-baxyadu ay isu badalaan kuwa rabashada wata.

Dadkan dibad-baxayasha ah ayaa gubay dhowr mehrad oo ku yaala bartamaha degmada ,waxaana sida la sheegay la boobay goobo ganacsi oo ay kamid yihiin xarumo lagu sarifi jiray lacagaha qalaad sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah.

“Markii hore waxa ay inoo sheegeen in dibad baxan uu yahay mid nabadeed , balse markii danbe waxa uu isku rogay rabshado iyo in taayaro lagu gubo bartamaha laamiga ” ayuu yiri taliye ku xigeenka degmada Burtinle oo la hadlay warbaahinta.

“Ciidanka degmada jooga waa 40 askari kuma filnayn in ay xakameeyaan mudaharaadka ,hadda waxaa jira dhowr askari oo ku dhaawacmay shaqaaqadii ka dhacday magaalada ” ayuu yiri taliyaha oo sheegay in galnkii danbe ee maanta xaalad-du ay caadi ku soo noqotay.

Waxaa mas’uukan uu sheegay in ciidamada amnigu ay ku khasbaanadeen in ay isaga baxaan goobtii ay rabshaduhu ka socdeen , isaga oo sheegay in cilad ay ku timid halkii gaari ay ee ay u adeegsanayeen dajinta xaalad-da kacsan.

Ugu danbayn, dadka dhaawacay oo aan tiradooda si rasmi ah loo hayn ayaa la sheegay in la dhigay goobaha caafimaadka ee Burtinle ,waxaana arintan ay ku soo beegmaysaa ,iyadoo lacago cusub dhawaan la soo galiyay suuq-yada Puntland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...