Somaliland: “Anigu Isma Casilayo, Umana Socdo Inaan Iscasillo, Lacagna La Iskuma Casilo”

Date:

 Cabdirashiid Riyo-raac Oo Ka Hadlay Dareenkiisa Xubinta Guddigooda Ka Tirsan Ee Is Casilay

Guddoomiyaha komishanka doorrashooyinka Eng. Cabdirashiid Riyo-raac ayaa meesha ka saarray inuu ku fikiraayo inuu is casillo, waxaanu sheegay in arinta kala maqnaanshaha guddida doorrashooyinku aanay u oollin ee ay tahay arin siyaasad ahaan ay tahay in loo xaliyo.

Guddoomiyaha komishanka ayaa sidan sheegay kadib markii uu ka soo laabtay safar uu dalka dibaddiisa ugu baxay kaas oo uu sheegay inuu ku soo kaga soo qayb galay kulanno muhiim ah, waxaanu meesha ka saarray cod dhawaan warbaahinta soo gallay oo kiisa u eeg, waxaanu u waramay weriye Maxamuud Fantastic oo ka tirsan telefishanka Sahan, Ugu horrayntii guddoomiyaha komishanka doorrashooyinka Cabdirashiid Riyo-raac oo la waydiiyay inuu is casilaayo waxa uu yidhi“ Warkaasi waxba kama jiraan,lacagna ciddi isku casilli mayso xil qarran ayaanu haynaa xilka qarranka iyo lacagtuna waa ay kala miisaan weyn yihiin, maanta komishan ayaan ahay xilkaas ayaana laydhaariyay ma jirto ismana casilayo ummana socdo inaan iscasillo, lacagtuna qofka ma iibsan karto, anigu ma garnaayo sida loo qiimeeyo, warkaasi waa waxba kama jiraan.”

Waxa uu guddoomiye Riya-raac uu been ku tilmaamay cod dhawaan warbaahinta bulshada soo gallay oo la sheegay inuu isaga yahay “ Warkaas waan maqlay oo waxba kama jirraan, waanad ogtihiin oo waa la sameeyaa komishineer hore ayaa laga sameeyay, wasiiro ayaa laga sameeyay codkaasi ma jiro waa uun iska wax dhalinyaradu ay iskabarratay iyo barnaamijyo iska jaban inta la samaysto codadka dadka lagu sameeyo, arintaas waxaan leeyahay waxba kama jirraan, igamana suurowdo qof aanad garranayan in sidaas, maantana ma joogo xil beello Somaliland ah ama cid gaar ah aan ka maago ama xisbiyo aan ka maago sababtoo ah anigu hadda siyaasadii waan ka baxay, imika nin dhexdhexaad ah oo komishineer ah oo aan darafna ahayn ayaan ahay.”

Waxa uu ka hadlay guddoomiyaha komishanku xubinta iska casishay guddidooda “ Waxna waa siyaasad iyo xal qarranka u yaala waxna waa xilka aan haynno ee komishanka ah, anagu xil komishan ayaanu haynaa waa naloo dhaariyay shaqona diyaar ayaanu u nahay in aanu shaqaynana diyaar ayaanu u nahay, xubintaas is casishay iskumaanu ogayn waan ka xumahay intii aan safarka ku maqnaa ayay ahayd isaga oo xafiiska jooga oo shaqaynaaya oo aanay waxba xumayn ayaan ka tagey wax soo kordhayna hada ayaan madaarka marayaa war kama hayo.”

Ugu danbayn waxa uu ka hadlay safarka uu u baxay “ Safar shaqo ayuu ahaa komishankuna shaqooyin guddaha ah iyo kuwa dibada ahba waa uu leeyahay, markaas shaqo dibada ah ayaanu u baxnay, wax baddan ayaa noo soo qabsoomay tabbabaradii ayaa ugu horreeya oo bisha saddexaad aanu u baxayno, aqoon iswaydaarsi iyo xirfadlayaal doorashooyinka ah sidii ay inoola shaqayn lahaayeen ayaanu la soo heshiinay, waxa kale oo aan heshiis la soo galnay goobjoogayaasha xiliga doorashooyinka yimaadda oo doorrashooyinkeena illaalin doona, waxa kale oo aan u baxnay bahalkan indhaa lagu eeggo waynagii lahayn intii hore waxa uu ahaa in aanu qofku laba kaadh qaadan oo midkaliya lagu illaaliyo, laakiin maynu lahayn qaybta doorrashada lagu illaaliyo ee qofku marka uu coddaynaayo indhaa loo saarrayo taasna waanu ka hawlgalnay oo meeldhow ayay noo marraysaa in aanu helno mishiino iyo qallab qof kasta oo codaynaaya macluumaadkiisa lagu hello oo gobbal walba la dhigo, hawl wacan ayaa noo soo qabsoontay bisha saddexaad ayaanay hawluu noo billaabmayaan.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...