Somaliland: Hogaanka KULMIYE iyo WADDANI Oo Mar Kale Ku Loolamay Deegaanada Hoos Yimaadda Gobolka Togdheer + Burco Oo Noqotay Xudunta Ololaha

Date:

KULMIYE oo Aanay farxad gelin sidii loogu soo dhaweeyey Bali-dhiig, Dhoqoshay, Bali-calanle iyo Qori-lugud Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay weheliyeen siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan xisbigaas, ayaa booqasho loogu magac-daray (Walaaleeye) ku maray deegaanno Degmooyinka Bali-dhiig, Dhoqoshay, Bali-calanle, Sibidhley, Coodanle iyo Qori-lugud oo dhammaantood ka tirsan gobolka Togdheer, waxaannu weftiga xisbiga WADDANI kala kulmeen soo dhaweyn qalbi jab ku riday xisbal-xaakimka KULMIYE oo olole xoog leh oo loo isticmaalay Gaadiidka iyo lacagtii dawladda ku tegay deegaanadaasi oo aanay kala kulmin soo dhaweyntii ay ka filayeen.

Weftiga Hoggaamiye Xirsi waxay dadweynaha ku boorinayeen inay u soo baxaan oo ay qaataan kaadhka codbixiyeyaasha ee ka socota gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex, waxaanay ku war-gelinayeen inaanay xiligan u socon wax olole ah. Hase ahaatee waxay deegaannadaas ay booqdeen kala kulmeen niyadsamaan weyn oo ay dadweynaha ku dhaqan hawdka Gobolka Togdheer ay ugu soo baxeen weftiga oo ay ficil ugu bandhigeen siday ugu jeellan yihiin isbeddelka WADDANI doonayo inuu guryo-samo ugu raro bulshada Somaliland haddii uu ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee muddaysan 13ka November ee sannadkan.

Geesta kalena, weftigii uu hoggaaminayay Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa deegaannadan booqashadii ay ku tageen maalmihii la soo dhaaftay, waxa uga soo baxday inaanay bulshadu ugu jajabneyn siday filayeen, iyadoo haddana booqashadooda ay adeegsadeen gaadiidkii iyo lacagtii dawladda isla markaana ay weftiga gogol xaadh u ahaayeen Wasiirrada, Wasiir Ku-xigeennada iyo siyaasiyiinta degaannadaas ka soo jeeda ee xisbal-xaakimka. Waxa Wasiirrada booqashada Muuse Biixi ka shaqeynayay ka mid ahaa Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirul-dawleyaal iyo Wasiir Ku-xigeenno, kuwaasi oo abaabulayey maamulka Gobolka Togdheer iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, haddana waxay kala kulmeen soo dhaweyn aan farxad gelin Muuse Biixi iyo kaadiriintii xisbigaas ee Hargeysa ka soo kicitimay.

Waxa dadweynuhu ay soo dhaweyn ficilo ku jirtay ugu soo baxeen weftiga Hoggaamiye Xirsi oo Badhasaabka Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) uu dagaal kula jiray taageereyaasha iyo dadka la dhacsan afkaarta WADDANI oo uu qaarkood sifo sharci darro ah ugu xidhxidhay magaalada Burco, ka dib markii Guddoomiye Muuse Biixi uu ka xumaadey sida Hoggaamiye Xirsi, La-taliyaha Murrashaxa WADDANI ee Arrimaha Warbaahinta, Muniir Axmed Cigaal iyo maamulka xisbiga ee Togdheer ay taageero laxaadle uga heleen bulshada Burco, iyadoo intii uu joogay Muuse Biixi magaaladaas xisbiga WADDANI ku qabsaday xaflado waaweyn oo taageereyaal kala duwan oo iskugu jiray macalimiin, dhallinyaro iyo masuuliyiin kaleba ay taageeradoodii ula guureen xisbiga WADDANI.

Geesta kalena waxa magaalada Burco saamayn ku yeeshay khudbad dheer oo uu Hoggaamiye Xirsi ka jeediyey magaalada Burco oo uu tafaasiil kaga bixiyay jidka gurracan iyo himilada beelaysan ee Murrashaxa KULMIYE doonayo inuu ku kala qob-qobo bulshada reer Togdheer.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...